“Uma Malaynayo Inuu Aubameyang Man United Ugu Biiri Doono Koobab Dartood, Wuxuu Ugu Biiri Doonaa Lacag Darteed” – Auba Oo Furka Lagu Sii Tuuray.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa shaaca ka qaaday sababta uu aaminsan yahay in kabtanka kooxdiisii hore ee Pierre Emerick Aubameyang uu ugu biiri karo kooxda ay sida tooska ah u xifaaltamaan ee Manchester United.

Aubameyang ayuu sanadka 2021 ka dhacayaa heshiiska uu ku joogo Emirates Stadium iyadoo aysan wali isaga iyo kooxdiisu muujinin wax isku soo dhawaanho ah oo heshiis cusub lagu hirgelinayo waana sababta keentay in kooxo ay unired kamid tahay lala xidhiidhiyo.

Arrinta ugu weyn ee uu weeraryahanka ree Gabon ku xidhay mustaqbalkiisa Arsenal isla markaana uu doonayo ayaa lagu sheegay inay kooxdiisu usoo baxo tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe walow ay haatan 9-aad ka fadhido miiska kala sarreynta.

Dhinaca kale Man United ayaa u muuqata mid ka fursad wanaagsan Gunners maadaama oo ay booska afraad saddex dhibcood u jiraan sidoo kalena ay haystaan fursada ay hanashada Europe League ugu gali karaan Champions League.

Haatan, Merson ayaa sheegay inuusan Aubameyang ugu wareegi doonin Old Trafford sababo horumar uu doonayo darteed ah laakiin haddiiba ay dhacdo oo uu u wareego uu halkaas u tagi doono kaliya lacag.

Paul Merson ayaa yidhi “Uma malaynayo inaad odhan karto Aubameyang waxa uu u baxayaa sabab hami haddii uu tago Manchester United”.

“Waxa uu u tagi doona sabab lacageed sababtoo ah isagu waa ku dhawaad 31 jir tanina waxay u badan tahay inay noqon doonto heshiiskiisii ugu dambeeyay (Ee uu koox weyn ugu biiri karo”.

“Wakhti xaadirkan ma odhan kartid waxaad tagaysaa Manchester United waxaana laguu balanqaadayaa koobab, Ma awoodi doontid inaad damaanad qaado United oo wax ku guuleysanaysa labada ama saddexda xilli ciyaareed ee soo socda”.

Sanadkii 2012 ayay ahayd markii Ropin Van Perise oo kabtan u ahaa Arsenal uu u wareegay dhinaca Man United isla markaana uu xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ku hoggaamiyay Premier League.