Ugu Danbayn Kubaddii Cagtu Way Soo Laabatay- Kulamada Horyaalka Bundesliga Ee Barri Aduunka Oo Dhan Laga Daawan Doono.

Barri oo sabti ah waxay kubbada cagta caalamka u tahay maalin muhiim ah waxaana markii ugu horaysay muddo laba bilood ka badan la arki doonaa kooxaha horyaalka Jarmalka ee Bundesliga oo xili ciyaareedka dib u bilaabanaya.

Inkasta oo dhawr horyaal oo Yurub ah gabi ahaanba la kansalay haddana horyaalada ugu waa wayn ee Yurub ayaa go’aan adag ku qaatay in ay xili ciyaareedka dhamaystiraan waxaana talaabadii ugu horaysay qaaday Bundesliga oo barri oo sabti ah kulamadii ugu horeeyay la ciyaari doono.

Tartanka horyaalka Bundesliga oo xili ciyaareedkan ahaa mid aad u adag ayaa u dhexeeya kooxaha Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo RB Leipzig laakiin in ayna muddo laba bilood ka badan kulamo ciyaarin ayaa qaab ciyaareedkii kooxaha badali karta.

Bayern Munich waxaa go’doonka la galay iyada oo kaalinta kowaad ee horyaalka Bundesliga ugu jirtay 55 dhibcood kadib markii ay ciyaartay 25 kulan waxayna afar dhibcood ka saraysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Borussia Dortmund oo haysta 51 dhibcood.

Kooxda RB Leipzig ayaa kaalinta saddexaad ugu jirta 50 dhibcood laakiin kooxda MGlabach ayaa kaalinta afraad ugu fadhida 49 dhibcood taas oo muujinaysa in afartan kooxood ay wali tartanka si toos ah ugu jiraan.

Bayern Munich waxaa xili ciyaareedkan si wayn u soo caawiyay Robert Lewandowski kaas oo 25 gool ku soo dhaliyay 23 kulan oo horyaalka ah waana xidiga kaalinta labaad kaga jira kabta dahabka ah balse Bayern ayaan wali xal u helin badalkii Arjen Robben iyo Frank Ribery iyada oo  Serge Gnabry, Kingsley Coman iyo Alphonso Davies ayna qaab ciyaareedkooda joogtayn.

Bayern Munich waxay doonaysaa in xili ciyaareedkii 8 aad oo xidhiidh ah ay ku guulaysato horyaalka Jarmalka laakiin waxay ku bilawdeen xili ciyaareedkan qaabkii ugu xumaa iyada oo tababare Niko Kovac shaqada laga caydiyay kadib ceebtii 5-1 ka ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Eintracht Frankfurt.

Laakiin Bayern Munich waxay tartan xoogan kala kulmi doontaa kooxda Borussia Dortmund ee ay hogaaminayaan Haaland, Jadon Sancho iyo Thorgan Hazard, waxaana la filayaa in kulamada hadhsani ay noqon doonaan kuwo xiiso badan.

Laakiin Bayern Munich iyo Dortmund ayaan ahayn kooxaha kaliya ee koobka horyaalka Jarmalka ku dagaalamaya balse kooxda layaabka leh ee RB Leipzig oo Bundesliga u soo dalacday sanadkii 2016 kii ayaa doonaysa in ay layaabkeeda sii wadato.

Kulamada Barri Ee Dib Loogu Furayo Bundesliga:

Kooxda hogaanka Bundesliga haysa ee Bayern Munich waxay kulankeeda soo laabasho sugi doontaa ilaa axada waxayna booqan doontaa kooxda Union Berlin.

Laakiin Borussia Dortmund ayaa kulan adag la yeelan doonta kooxda Schalke04 waana kulan ka mid ah kulamada barri oo sabti ah la ciyaari doono. Marka ay saacada geeska Afrika soo gaadho 4:30 galabnimo waxay Dortmund iyo Schalke ciyaari doonaan kulan saamayn ku yeelan kara tartanka koobka Bundesliga.

Kulamada kubbada cagta ee horyaalka Jarmalku ku soo laabanayaa waxay noqon doonaan kuwo si wayn aduunka oo dhan looga daawan doono maadaama oo muddo dheer la sugayay in kubbada cagtu ay soo laabto.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook