UGU DAMBAYN: Wakhtiga Uu Man United Sida Kama Dambaysta Ah Ugu Soo Biiri Doono Bruno Fernandes Oo La Ogaaday – Miyuu Kasoo Gaadhayaa Kulanka Liverpool?.

Advertisements

Wargeyska Record ee kasoo baxa dalka Portugal ayaa xog cusub kasoo saaray wararkii Manchester United la xidhiidhinayay khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes.

Il wareedka Sportsmail oo toddobaadkii hore ka hadlay arrimaha Fernandes ayaa shaaca ka qaaday in guddoomiye ku xigeenka United ee Ed Woodward uu la kulmay wakiilada Fernandes iyo madaxweynaha Sporting.

Sida haatan lagu sheegay Record, Waxa lagu heshiiyay qoddobada ugu muhiimsan ee wada xaajoodkii labada dhinac iyadoo wakhtiga heshiisku uu gabo gaboobi doono lasii qoondeeyay.

Wargeyska ayaa sheegay in Fernandes uu kusoo biiri doono Red Devils kahor kulanka Derby-ga ah ee ay la yeelanayaan Benfica toddobaadka soo socda.

Il wareedkan ayaa sidoo kale xusaya in Man United ay dalab rasmi ah u gudbin doonto Sporting dhawaan iyagoo heshiiskooda ku daraya Marcos Rojo oo ay horeba ugala soo wareegeen kooxdaas sanadkii 2014.

Bruno ayaa isagu si buuxda diirada u saaraya kooxdiisa iyo waliba kulanka Lisbon Derby ee Benfica balse ay midaasi bedelmi doonto haddii waxkasta ay isku af-gartaan labada kooxood.

Advertisements

25 sano jirkan ayaa haddiiba uu Manchester usoo wareego kahor Jimcaha ay suurogal tahay inuu qayb ka qaato kulanka ay Liverpool booqanayaan Axada soo socota.

Advertisements