UGU DAMBAYN: Philippe Coutinho Oo Ugu Dambayn Asxaabtiisa U Sheegay Dareenkiisa Ka Tagistii Liverpool – Miyuu Wax Qoomamo Ah Qabaa?

Kubad sameeyaha haatan qaabka amaahda ah ku jooga Bayern Munich balse ka tirsan Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo warramayaa inuu dareenkiisa ka tagistiisii Liverpool la wadaagay asxaabta u dhaw dhaw.

Sida uu sheegayo wargeyska Mirror, Coutinho ayaa asxaabtiisa la wadaagay inuu ka qoomameeyo sababtii uu uga soo baxay Liverpool bilawgii sanadkii 2018 markaas oo uu heshiis 142 Milyan ah ugu biiray dhinaca Barcelona.

FBL-GER-CUP-BAYERN MUNICH-HOFFENHEIM

Dabcan waa wax sahlan in laga hinaaso Liverpool wakhti xaadirkan gaar ahaan ciyaartoy dhawaanahan ka tagay maadaama oo ay ka tageen awood isla markaana tageen awood kale iyagoo kusoo guuleystay Champions League haatana 25 dhibcood ku haya hoggaanka Premier League.

Sidii uu sheegay Coutinho qudhiisa waxa uu doonayay inuu Champions League la qaado Barcelona balse Reds ayaaba sidaas sameeyay iyagoo sidoo kale ahaa sababtii uu uga hadhay isagu tartankaas.

Coutinho oo wararkiisa xanta ahi suuqa ku jiraan mudooyinkii ugu dambeeyay ayay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu xiiso ka helayo afar kooxood oo waaweyn oo Premier League ah balse aysan Liverpool ku jirin.

Kooxahaas ayaa kala ah Manchester United, Arsenal, Tottenham iyo Chelsea waana afarta kooxood ee la filayo inuu ku biiri doono midkood maadaama oo aysan Bayern doonayn inay heshiiskiisa amaahda ah joogto ka dhigto.