UGU DAMBAYN: Man United Oo Iska Caabintii Ka Baxday Xilli Ay Real Madrid Ku Wargelisay Xiddiga Ay Paul Pogba Kaga Samri Karaan Ee Ay Ku Bedelanayaan.

Kooxda ree England ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay dhigeeda Real Madrid u sheegtay ciyaartoyga ay ka doonayso safkeeda suuqa January ee ay ku bedelan karaan bar-tilmaameedkooda Paul Pogba.

Real Madrid ayaa doonaysay saxeexa Pogba suuqii xagaagan balse waxa uu ugu dambayn kusii negaaday kooxda Ole Gunnar Solskjaer.

Wali khadkan dhexe ee ree France ayaa xiisaynaya inuu United dhaafsado Santiago Bernabeu sidoo kale waxa saxeexiisa baahi weyn u qaba oo bar-tilmaameed koowaad ka dhiganaya tababare Zinadine Zidane.

Wariyaha ree Spain ee Eduardo Inda ayaa shaaca qaaday in Toni Kroos uu yahay ciyaartoyga ay United ku doonayso inay ku bedelato Pogba isla markaana ay xataa xagaagan isku dayday saxeexa xiddiga Germany kasoo jeeda.

Edaurdo ayaa yidhi “Zidane waxa uu leeyahay ciyaartoy uu ka fikirayo markasta kaas oo wali ah Pogba, Tababaraha ree France waa qof leh aragtiyo qoondaysan waxaana uu ku adkaysanayaa Paul”.

“Iyagu (Real Madrid) waxay isku dayi doonaan suuqa January waxaana ay ahaayeen kuwa ugu horreeya ee la xidhiidhayay United”.

“Wadahadalada u dhaxeeya shaqsiyaadka ay soo dirteen United iyo Real ee wali jira, Magac ayaa lagu soo hadal qaaday waana Toni Kroos”.

“United waxay isku dayday Toni Kroos xagaagan, Isaga waxay ku doonayeen xagaagan 75 Milyan taasina waxay dhalisay heshiis cusboonaysiintiisii kooxda cad cad”.