UGU DAMBAYN: Jerome Boateng Oo Sanado Kaddib Lagu Xanuujiyay Su’aal Laga Weydiiyay Ceebtii Uu Kala Kulmay Lionel Messi & Jawaabta Uu Ugu Dambayn Bixiyay.

Daafaca dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng ayaa ugu dambayn ka hadlay ceebtii uu kabtanka Barcelona ee Lionel Messi kagala dhex kulmay gegida Camp Nou kulan ay labada kooxood wada ciyaarayeen oo qayb ka ahaa UEFA Champions League.

Kulankaas oo kusoo dhammaaday 3-0 ayay Bayern inta ugu badan kulanka halkiisa ku haysay ku dhawaad ilaa 70 daqiiqo kahor intii aysan 20 daqiiqo ku bur-burinin laba gool oo uu dhaliyay Messi iyo gool ka yimid Neymar JR.

Haatan, Jerome oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta Twitter-ka ayuu taageere ku xanuujiyay dhacdadan waxaana uu si cad u weydiiyay inuu u sheego wixii maskaxdiisa ku jiray ee uu ka fikirayay markii uu Messi kubadda la dhaafayay ee uu dhulka galayay.

Boateng oo jawaabtiisa bixinaya ayaa kusoo koobay inuu jeclaan lahaa inuu arko iyadoo uu qofkasta (Oo taageerayaasha eedaynaya ahi) uu kubadda ka difaacanayo Messi.

“Maxaa maskaxdaada ka dhex socday markii uu Messi sidaas kugu sameeyay adiga? Waad garanaysaa waxa aan ka hadlayo” Ayuu yidhi taageeraha su’aasha weydiiyay Boateng.

Daafaca asal ahaan kasoo jeeda Ghana balse dhalashada Germany qaatay ayaa yidhi “Daacadii waxaan jeclaan lahaa inaan arko midkasta oo idinka mid ah oo ka difaacanaya Messi”.