UGU DAMBAYN: Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Ugu Dambayn Cod Ku Go’aamiyay Midka Wanaagsan Harry Kane & PE Aubameyang – Yaa Guuleystay?

Horyaalka ugu xiisaha badan England ee Premier League ayaa ah mid ku galadan weeraryahanada ugu wanaagsan dunida, laba kamid ah weeraryahanadaas ayaa ah Pierre Emerick Aubameyang oo Arsenal ka tirsan iyo Harry Kane oo Tottenham qayb ka ah.

Labadan ciyaaryahan ayaa labaduba aad muhiim ugu ah kooxahooda, aan ku horraynee Harry Kane ayaa udub dhaxaad u ahaa Tottenham tan iyo markii uu kooxda koowaad soo galay sanadkii 2014.

Kane ayaa tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyay u ciyaaray Tottenham soo saftay 278 isla markaana soo dhaliyay 181 gool.

Goolasha Kane ayaa xilli ciyaareedkii hore qayb ka ahaa in kooxdiisu ay gaadho Final-ka Champions League waxaana uu dhinaca kale isha ku hayaa rekoodhka gool dhalinta Premier League ee Alan Shearer uu 260-ka gool ku haysto.

Dhinaca kale Aubameyang ayaa Arsenal oo uu haatan kabtan ka yahay muhiim u ah, Gunners ayaa ahaa kuwo liitay xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay balse taas ayuusan wax khalad ah ku lahayn Aubameyang.

Weeraryahanka ree Gabon ayaa tan iyo markii uu sanadkii 2018 heshiis £56 Milyan ah ugu biiray Arsenal soo dhaliyay 61 gool kaddib 97 kulan.

Haddaba, marka ay noqoto midkee wanaagsan Auba iyo Kane, Maxay tahay aragtida jamaahiirta kubadda cagtu? shabakadda GIVEMESPORT ayaa akhristayaasheeda Facebook coddayn kaga qaaday su’aashaas.

Coddayntan oo ay ka qayb-qaateen 77 kun oo qof ayuu ku guuleystay Harry Kane oo helay 58% kamid ah coddadka halka Aubameyang ay u coddeeyeen 42%.

 

Haddiiba ay taada tahay, adigu akhriste midkee ayaad kooxdaada u qaadan lahayd Harry Kane iyo Pierre Emerick Aubameyang?

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook