UGU DAMBAYN: Barcelona Oo U Muuqata Mid Ugu Dambayn Dhammaystiraysa Saxeexa Antoine Greizmann & Wakhtiga Ay Soo Bandhigi Karto Oo La Ogaaday.

Barcelona iyo madaxdeeda suuqa kala iibsiga ayaa u muuqda kuwo ugu dambayn iska soo af-meeraya saxeexii ay inta badan usoo hirdamayeen ee Antoine Greizmann kaas oo ah saxeexooda udub dhaxaadka ah ee xagaagan.

Heshiiskan ayaa ah mid caadiyan kusoo beegmaya sanad kaddib wakhtigii la filayay maadaama oo xagaagii hore uu Antoine qarka u fuulay inuu kasoo dego Camp Nou balse go’aan xilli dambe ah uu baaqi ugu sii ahaaday Atletico Madrid.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Greizmann ayaa la filayaa in ugu dambayn uu ciyaartoy Barca ah noqon doono Isniinta soo socota.

Waxa kaliya ee hor istaagi kara heshiis qabsooma mudadaas ka hadhay Isniinta ayaa ah lacagta lagu bur-burin karayo heshiiska Greizmann ee 120-ka Milyan ah balse haddii ay Barcelona wada bixiso ayay waxkasta si deg deg ah u qabsoomi doonaan.

28 jirkan ayaa kasoo duuli doona Ibiza isaga oo sida ugu dhakhsaha badan u gaadhi doona Barca isla marka heshiiskiisa la isku fahmo.

Kooxda tababare Valverde ayaa rajaynaysa in Greizmann uu fiidnimada Axada soo gaadhi doono Barcelona waxaana uu qorshuhu yahay in intaas kaddib loo soo bandhigo saxaafada maalinimada Isniinta isaga oo qandaraaska saxeexaya.

Shirka jaraa’id ee uu qaban doono Greizmann Isniinta haddii sida loo qorsheeyay ay wax u dhacaan ayaa noqon doono mid xiiso badan waxaana wax laga weydiin doonaa sababtii uu uga soo dhaqaaqay Atletico iyo sababta uu Barca ugu soo biirayo.

Su’aalahaas aan kor kusoo xusnay ayaa ah kuwo xiisahooda wata dabcan waana su’aano uu Antoine ka gaabsaday inuu ka jawaabo dhawaanahan.