UEFA Oo Shaacisay Xiddigaha U Sharaxan Abaalmarinta Boos Walba Ee Xiddigihii Ugu Fiicnaa Champions League

Liverpool ayaa u badan xiddigaha u sharaxan abaalmarinta boos walba ee xiddigaha ugu fiicnaa Champions League xilli ciyaareedkii hore, iyadoo shan ciyaaryahan ay u tartamayaan abaalmarinada ka dib guushii ay ku gaareen Madrid.

Labo ka mid ah afarta daafac danbe ee Liverpool, goolhaya Alisson Becker ayaa tartamaya si la mid ah kabtan Jordan Henderson iyo weeraryahanka Sadio Mane.

Mushaharaxiinta Abaalmarinta boos walba ee Champions League:

Goolhaye: Alisson Becker (Liverpool), Hugo Lloris (Tottenham), Marc-André ter Stegen (Barcelona)

Daafac: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Matthijs de Ligt (Ajax, haatan Juventus), Virgil van Dijk (Liverpool)

Khad Dhexe: Frenkie de Jong (Ajax, haatan Barcelona), Christian Eriksen (Tottenham), Jordan Henderson (Liverpool)

Weerar: Sadio Mané (Liverpool), Lionel Messi (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Juventus)

Hugo Lloris iyo Christian Eriksen ayaa iyagana Tottenham oo gaartay finalka u soo gashay, si la mid ah labadii xiddig ee Ajax soo gaarsiiyay semif-ianlak ee kala ah Matthijs de Ligt iyo Frenkie de Jong kuwaasoo ku kala biiiray Juventus iyo Barcelona.

Boos walba waxaa u shaxaran seddex ciyaaryahan, guuleysta waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka la qabanayo isku aadka wareega group-yada Champions League 29ka bishaan Agoosto iyadoo isku aadka lagu qabanayo Monaco.