UEFA Oo Diiday Codsiga Boliiska UK Ee In La Bedelo Taariikhda Kulanka Czech Republic Iyo England Ee Isreebreebka Euro 2020

UEFA ayaa diiday codsiga boliiska UK ee in la bedelo taariikhda la ciyaarayo kulanka isreebreebka Euro 2020 ee u dhaxeeya xulalka Ingariiska iyo Czech Republic.

Boliiska Ingariiiska iyo xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ka cabsi qaba in taageerayaasha xulka Three Lions inay rabshado geystana kulanka Jimcaha ee Group A ee ka dhacaya magaalada Prague ee caasimada Czech.

Ingariiska ayaa codsaday in kulanka laga bedelo habeenka Jimcaha oo laga dhigo bartamaha isbuuca si ay u yaraadaan taageerayaasha safri kara madaama ay tahay isbuuc shaqo.

Mark Roberts oo u hadlayay boliiska UK ayaa yiri: “Waxaan u qoray warqad UEFA oo aan ku weydiisanayo inay bedelaan kulanka habeenka Jimcaha.

“Laakiin waa ay awoodi waayeen inay bedelaan.

“Waxaan qabaa inay nasiibdarro tahay sababtoo ah waxaa la sii arki karaa halista ka imaan karta.

“Waxaan jeclaan laheyn inaan xaalad ka hortagno bedelkii aan ka qoomameyn laheyn markii ay wax dhacaan.”

Taageerayaasha England ayaa dhibaato abuuray kulamadii saaxiibtinimo ee Amsterdam iyo Dortmund iyo kulamadii UEFA Nations League ee ay ku ciyaareen Portugal.

Boliiska ayaana ka codsaday in laga hortago rabshadaha ay geysan karaan taageerayaasha xulka England iyadoo kulanka laga dhigayo in la ciyaaro bartamaha isbuuca markaasoo ay adag tahay inay taageerayaasha England safraan madaama ay isbuuc shaqo u tahay.