Tottenham Oo Ugu Dambayn Ogolaatay Inay Real Madrid Ka Iibiso Christian Eriksen & Shuruuda Aan Laga Gudbi Karin Ee Ay Ku Xidheen.

Guddoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy oo ah nin looga bartay inuusan marnaba si sahlan ku fasixin ciyaartoyda kooxdiisa ayaa u muuqda mid qaab adag ula loolamaya kooxda Real Madrid oo ka doonaysa saxeexa khadka dhexe ee Christian Eriksen.

Tottenham ayaa dhawaanahanba si weyn iskugu dayaysay inay heshiis cusub ka saxeexdaan Eriksen oo qandaraaskiisa ka hadheen 12 bilood balse waxay u muuqdaan kuwo ku fashilmay inay qanciyaan.

Wararka ayaa sheegaya inay haatan la tanaasuleen aragtidii heshiiska cusub oo ay doonayaan inay iska iibiyaan taas oo farxad u ah xiddiga qudhiisa oo tan iyo carruurnimadiisii ku riyoon jiray u ciyaarista Real.

Kooxda ay Real sida xoogan u xifaaltamaan ee Barcelona ayaa sidoo kale ku jirta loolanka 26 jirkan balse isagu waxa uu kaliya isha ku hayaa u dhaqaaqista hal koox waana Madrid.

Iyadoo ay sidaa tahay ayay haddana rajo kasta oo ay Zinadine Zidane iyo madaxda Real Madrid ka qabeen inay heshiis jaban kula saxeexdaan Eriksen ay noqotay mid burburtay sababtoo ah guddoomiye Levy.

Guddoomiyaha Spurs ayay ka go’antahay inuu lacago kaash ah ka sameeyo Eriksen waxaana uu madaxiisa dul dhigay £200m taas oo ah lacag 2 Milyan ka badan mida rekoodhka suuqa ee £198m ah ee ay PSG hore ugula saxeexatay Neymar JR.

Dhinaca kale, Shalay ayay ahayd markii ay saxaafadu si toos ah tababare Zidane u weydiisay haddii ay u dhaqaaqayaan Kylian Mbappe iyo Neymar balse waxa uu ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo.

Zidane ayaa wakhtigaas yidhi “Anigu kama hadlayo ciyaartoy aan ahayn ciyaartoygayga, Waxa aan sheegi karo ayaa ah in labadan ciyaartoy ay leeyihiin tayo badan”