TOP 50: Majalada Four Four Two Oo Qiimayn Ku Samaysay 50-ka Tababare Ee Ugu Fiican Yurub Haatan, Pep Guardiola Oo Booska Koowaad Fadhiya & Jose Mourinho Oo Ay Ceebi Ka Raacday.

Majalada caanka ah ee Four Four Two ayaa qiimaynteedii ugu dambeysay kusoo saartay tiraba kontonka (50-ka) tababare ee ay u arkaan kuwa ugu fiican wakhti xaadirkan kooxaha ree Yurub xilli ay tababarayak badani si fiican uga soo dhalaaleen halka kuwo kale ay ku ceeboobeen.

Pep Guardiola ayaa ah mid ay wali Four Four Two u aqoonsan tahay tababaraha ugu fiican kubadda cagta halka ay soo raaceen tababarihii hore ee Real Madrid Zinadine Zidane iyo tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone.

Sidoo kale tababarayasha kala ah Allegri, Klopp, Deschamps, Pochettino, Sarri iyo xataa 32 jirka macalinka u ah kooxda Hoffenheim ee Nagelsmann ay soo buuxiyeen kaalmaha hore iyaga oo kasoo hormaray tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde oo booska 10-aad xidhay.

Dhinaca kale sheekada ugu layaabka badan ee laga dhex arkay qiimaynta majaladan ayaa ah in tababaraha kooxda Man United ee Jose Mourinho uu booska 25-aad la fadhiyo liiskan halka gabi ahaanba laga dhex waayay Roberto Martinez oo koobkii aduunka booska saddexaad ku hoggaamiyay xulka Belgium.

Halkan kaga boggo liiska 50-ka tababare ee qiimaynta Four Four Two halka ugu sarreysa kaga jira:

1) Josep Guardiola (Manchester City)
2) Zinedine Zidane (no club)
3) Diego Pablo Simeone (Atletico Madrid)
4) Massimiliano Allegri (Juventus)
5) Jurgen Klopp (Liverpool)
6) Didier Deschamps (France)
7) Mauricio Pochettino (Tottenham)
8) Maurizio Sarri (Chelsea)
9) Julian Nagelsmann (Hoffenheim)
10 Ernesto Valverde (Barcellona)
11) Tite (Brazil)
12) Leonardo Jardim (no club)
13) Eusebio Di Francesco (Roma)
14) Lucien Favre (Borussia Dortmund)
15) Marcelino (Valencia)
16) Luis Enrique (Spain)
17) Janne Anderson (Sweden)
18) Antonio Conte (no club)
19) Philippe Cocu (no club)
20) Thomas Tuchel (Paris Saint Germain)

21) Zlatko Dalic (Croatia)
22) Paulo Fonseca (Shakhtar Donetsk)
23) Gian Piero Gasperini (Atalanta)
24) Pablo Machin (Sevilla)
25) José Mourinho (Manchester United)
26) Domenico Tedesco (Schalke 04)
27) José Bordalas (Getafe)
28) Renato Portaluppi (Gremio)
29) Nico Kovac (Bayern Monaco)
30) Bruno Genesio (Olympique Lyon)
31) Unai Emery (Arsenal)
32) Marcelo Gallardo (River Plate)
33) Sergio Conceicao (Porto)
34) Rafael Benitez (Newcastle)
35) Marco Giampaolo (Sampdoria)
36) Adi Hutter (Eintracht Frankfurt)
37) Abdullah Avci (Basaksehir)
38) Stefano Pioli (Fiorentina)
39) Luciano Spalletti (Inter)
40) Gareth Southgate (England)

41) Eddy Howe (Bournemouth)
42) Quique Setien (Betis)
43) Rudi Garcia (Olympique Marseille)
44) Abel Ferreira (Sporting Braga)
45) Ariel Holan (Independiente)
46) Juan Carlos Osorio (Paraguay)
47) Sean Iyche (Burnley)
48) Ricardo Gareca (Peru)
49) Simone Inzaghi (Lazio)
50) Brendan Rodgers (Celtic)

 

Haddaba, Miyuu Jose Mourinho u qalmaa booska loo dhaadhiciyay ee 25-aad Miyaadse Adigu Akhriste ku qanacsan tahay booska lagu qiimeeyay tababaraha kooxdaada.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.