TOP 5: Robert Lewandowski Oo Doortay SHANTA Weeraryahan Ee Dunida Ugu Fiican – Miyuu Gool Dhaliyaha Kooxdaada Aaminay?

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa soo xushay liiska shanta gool dhaliye ee ugu wanaagsan kubadda cagta wakhti xaadirkan xilli uu kaliya hal mid ka xushay horyaalka Premier League.

31 sano jirkan ree Poland ayaa shanta weeraryahan ee dunida ugu fiican u doortay xiddigaha kala ah Kylian Mbappe oo PSG ka tirsan, ruug cadaaga Real Madrid ee Karim Benzema, xiddiga hoggaanka u ah weerarka RB Leipzig ee Timo Werner, Luis Suarez oo Barcelona ka tirsan iyo Sergio Aguero oo Man City ah.

Robert Lewandowski ayaa toddobaadkan Bayern Munich kula soo laabanaya horyaalka Bundesliga oo noqonaya horyaalkii ugu horreeyay ee weyn ee dib uga bilawda Yurub kaddib laba bilood oo ay kubadda cagtu maqnayd.

Lewy ayaa si weyn loogu arkaa mid kamida weeraryahanada ugu wanaagsan dunida isaga oo 39 gool kusoo dhaliyay 33 kulan oo uu soo ciyaaray kahor intii aan xilli ciyaareedka la hakinin.

Lewandowski oo Goal uga warramaya shanta weeraryahan ee uu dooran lahaa ayaa yidhi “Waa su’aal adag, haddii aynu ka hadalno (Number) 9 waxaan odhan lahaa: Karim Benzema, Timo Werner, Luis Suarez, Sergio Aguero iyo Kylian Mbappe”

Weeraryahanada Premier League sida Mohamed Salah, Aubameyang iyo Marcus Rashford ayaa iyagu ah kuwo wakhti ku bixinaya inay ka ciyaaraan booska garabka weerar ee ka baxsan weeraryahanka tooska ah.

Xaqiiqada ayaa ah in weeraryahanka dareemi kara inuu Lewandowski iska indho tiray uu yahay Harry Kane oo Tottenham ka tirsan kaas oo sanado uu joogay Spurs rekoodh gool dhalineed oo cajiib ah soo sameeyay.

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook