TOP 40: Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo U Coddeeyay Afartanka Garoon Ee Ugu Cajiibsan Dunida, Gegida 1-aad Loo Doortay Oo Aanad Rumaysan Karin & Kaalinta Garoonka Kooxdaada

Kubadda cagta caalamka ayaa ah mid si tartiib ah usoo laabanaysa kaddib markii xanuunka dunida maasheeyay ee korona laga curyaamiyay inta badan dunida dacaladeeda.

Horyaalka ugu caansan South Korea ee K-League ayaa soo laabtay usbuuc dhammaadkan halka toddobaadka soo socda la filayo inuu dib usoo laaban doono horyaalka Germany ee Bundesliga.

Dabcan garoomo madhan ayaa lagu ciyaari doonaa inta badan kubadda cagta mustaqbalka dhaw, marka laga yimaado inaynu ka mahad celin doono in ciyaarihii ay qaab toos ah uga soo galayaan muuq-baahiyayaasha waxa xaqiiqo ah in kubadda cagta oo bilaa jamaahiir ahi aysan waxba ahayn.

Dabcan ma jiro wax lamid ah inaad ku dhex jirto garoon buuxa oo ay jamaahiirtu u qaylinayaan guushaada balse midaas ayaan dhici doonin mustaqbalka dhaw.

Si kastaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa natiijada cod ay ururisay shabakadda Marca ee ree Spain oo ay jamaahiirta kubadda cagtu ku doorteen 40-ka garoon ee ugu wanaagsan dunida.

Coddayntan ayuu si lama filaan ah booska 1-aad uga galay garoonka weyn ee dalka Masar ee Cairo International Stadium kaas oo tartanka ku garaacay Santiago Bernabeu oo booska labaad galay iyo Camp Nou oo labaad ah.

Marka dhinac laga eego, coddayntan ayaa lagu doodi karaa inay dad ree Spain ahi coddeeyeen maadaama garoonka San Mames ee Athletic Bilbao uu kasoo hormaray garoomada waaweyn ee Anfield, Old Trafford, Wembley, Maracana, San Siro iyo Tottenham Hotspur Stadium oo dhawaan uun la furay.

Halkan Ka Akhriso Liiska Oo Dhan

40 | Beijing National Stadium

China

Qaadka: 91,000

39 | Roberto Melendez Metropolitan Stadium

Colombia

Qaadka: 46,692

38 | Mane Garrincha

Brazil

Qaadka: 72,788

37 | Estadio Centenario

Uruguay

Qaadka: 60,235

36 | Stade de France

France

Qaadka: 81,338

35 | Stamford Bridge

England

Qaadka: 41,631

34 | Luzhniki Stadium

Russia

Qaadka: 81,000

33 | Parc des Princes

France

Qaadka: 47,929

32 | Juventus Stadium

Italy

Qaadka: 47,929

31 | Estadio do Dragao

Portugal

Qaadka: 50,033

30 | Turk Telekom Arena

Turkey

Qaadka: 52,223

29 | Allianz Parque

Brazil

Qaadka: 43,713

28 | Besiktas Park Stadium

Turkey

Qaadka: 41,188

27 | FNB Stadium

South Africa

Qaadka: 94,736

26 | Tottenham Hotspur Stadium

England

Qaadka: 62,303

25 | Aztec Stadium

Mexico

Qaadka: 87,523

24 | El Monumental

Argentina

Qaadka: 70,074

23 | Johan Cruijff ArenA

Netherlands

Qaadka: 54,874

22 | Estadio da Luz

Portugal

Qaadka: 65,647

21 | Ibrox Stadium

Scotland

Qaadka: 50,817

20 | Celtic Park

Scotland

Qaadka: 60,411

19 | Allianz Arena

Country: Germany

Qaadka: 75,024

18 | Donbass Arena

Country: Ukraine

Qaadka: 52,187

17 | San Siro

Italy

Qaadka 80,018

16 | Azadi Stadium

Iran

Qaadka: 78,116

15 | Maracana

Brazil

Qaadka: 78,838

14 | Old Trafford

England

Qaadka: 76,000

13 | Stade Velodrome

France

Qaadka: 67,394

12 | Wembley

England

Qaadka: 90,000

11 | Mohamed V Stadium

Morocco

Qaadka: 45,000

10 | Olympic Stadium of Rades

Tunisia

Qaadka: 60,000

9 | Signal Iduna Park

Germany

Qaadka: 81,365

8 | Anfield

England

Qaadka: 54,074

7 | La Bombonera

Argentina

Qaadka: 49,000

6 | Wanda Metropolitano

Spain

Qaadka: 68,456

5 | Estadio Monumental David Arellano

Chile

Qaadka: 47,347

4 | San Mames

Spain

Qaadka 53,289

3 | Camp Nou

Spain

Qaadka: 99,354

2 | Santiago Bernabeu

Spain

Qaadka 81,044

1 | Cairo International Stadium

Egypt

Qaadka: 75,000

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook