TOP 20: Labaatanka Da’yar Ee Dunida Ugu Qaalisan Oo Lasoo Xulay, Koox Kaalmaha Ugu Sarreeya Qabsatay & Haddii Kooxdaadu Cid Ku Yeelatay.

Hay’ada xog ururinta ee CIES Football Observatory ayaa qiimayn buuxda ku samaysay xiddigaha da’yarta ah ee dhashay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 kuwooda ugu qiimaha badan caalamka iyo sida ay u kala sarreeyaan 20-ka kaalmood ee u horreeya.

Kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund ayaa kooto ku qabsatay labada kaalmood ee ugu sarreeya iyadoo Jadon Sancho loo doortay xiddiga ugu qaalisan jiilkaas halka uu booska labaad soo galay saaxiibkiisa Erling Braut Haaland oo bishii January ku biiray.

Labada da’yar ee ree Brazil ee ka wada tirsan Real Madrid Vinicius JR iyo Rodrygo Goes ayaa kusoo baxay shanta ugu sarreeya si lamid ah garabka Chelsea ee Callum Hudson-Odoi.

Da’yarka hibada weyn leh ee Valencia ee Ferran Torres, Dhigiisa kooxda Rennes ee Eduardo Camaviga, Mason Greenwood iyo Phil Foden oo labada Manchester ka tirsan iyo Moise Kean oo Everton qayb ka ah ayaa soo buuxiyay tobbanka sarre.

Halkan Kaga Boggo Liiska Oo Dhan, Qiimaha & Kaalinta Da’yar Kasta

1. Jadon Sancho £184m Borussia Dortmund

2. Erling Haland £94m Borussia Dortmund

3. Rodrygo £82m Real Madrid

4. Vinícius Junior £69m Real Madrid

5. Callum Hudson-Odoi £67m Chelsea

6. Ferran Torres £51m Valencia

7. Eduardo Camavinga £49m Stade Rennais

8. Mason Greenwood £47m Manchester United

9. Phil Foden £47m Manchester City

10. Moise Kean £43m Everton

11. Ozan Kabak £40m Schalke

12. Ansu Fati £40m

13. Takefusa Kubo £38m RCD Mallorca

14. Max Aarons £37m Norwich City

15. Dejan Kulusevski £37m Parma

16. Ryan Sessegnon £36m Tottenham

17. Sandro Tonali £34m Brescia

18. Hamed Traoré £26m Sassuolo

19. Benoit Badiashile £25m AS Monaco

20. William Saliba £25m Arsenal/Saint Etienne