TOP 11: Shaxda Ilaa Haatan Ugu Wanaagsan Premier League Sanadkan 2020 Oo Lasoo Saaray, Xiddiga Ugu Sarreeya & Kooxda Ugu Badan.

Shabakadda caanka ku ah samaynta shaxaha iyo xogaha kala duwan ee kubadda cagta kuna salaysa qaab ciyaareedyada kala duwan ee ciyaartoyda ee WhoScored.com ayaa samaysay shaxda ilaa haatan ugu wanaagsan Premier League sanadkan 2020.

Sida uu qiyaasan karo qofkasta, Kooxda xiddigaha ugu badan ku yeelatay shaxdan ayaa ah Liverpool oo saddex ciyaartoy ku leh halka saxeexa cusub ee Manchester United ee Bruno Fernandes uu yahay xiddiga dhibcaha (Qiimaynta) ugu badan kusoo galay shaxdan.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Hugo Lloris oo Tottenham ka tirsan, Kabtanka kooxda ree London ayaa badbaadinooyin ay rigoorayaal ku jiraan oo muhiim ah kooxdiisa u sameeyay tan iyo markii uu dhaawaca kasoo kabtay gudaha sanadkan.

Daafaca dhexe ee Arsenal Shkordan Mustafi oo si lama filaan ah u anfacay tababare Arteta ayaa la midaysan Virgil Van Dijk halka ay labada garab daafac kusoo baxeen Ricardo Periera oo Leicester City ka tirsan iyo kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta.

Saddexda khad dhexe ee shaxdan ayaa ah kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo xataa weerarka Reds qayb ka qaata dhawaanahan, Fernandes oo dib usoo nooleeyay Man United iyo mashiinka Manchester City ee Kevin de Bruyne.

Labada garab weerar ee shaxda WhoScored kusoo baxay ayaa kala ah Mohamed Salah oo markale isku muujinaya Liverpool, Saint-Maximin oo Newcastle United goolal u dhalinaya halka uu weeraryahanka dhexe yahay Richarlison oo qayb ka ah kooxda Everton ee Carlo Ancelotti.

Halkan Kaga Boggo Shaxda & Qiimaynta Xiddig Kasta

Image