TOP 10: UEFA Oo Shaacisay Tobbankii Gool Ee Ugu Qurxoonaa Champions League Xilli Ciyaareedkan, Xiddigee Kaalinta Koowaad Soo Galay?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 10-kii gool ee ugu qurxoonaa ee xilli ciyaareedkan 2018-19 laga soo dhaliyay tartanka UEFA Champions League oo habeen hore soo idlaaday.

Tartankan oo ahaa mid xiisahiisa watay isla markaana ay kasoo dhaceen mucjisooyin door ahi ayaa ugu dambayn loo caleemo saaray kooxda ree England ee Liverpool kaddib markii ay 2-0 kaga guuleysteen Tottenham.

Mucjisada ugu weyn ee xilli ciyaareedka ayaa ahayd kooxdii Ajax ee soo reebtay Real Madrid iyo Juventus iyo waliba guulihii soo laabashada ahaa ee Liverpool vs Barcelona, Tottenham vs Ajax iyo Man United vs PSG ee dunida gil-gilay.

Liiskan 10-ka gool ah ayaa inta ugu badan ay kusoo baxeen xiddigaha kooxaha ugu waaweyn usoo ciyaarayay waxaana markale dagaal ku dhex maray Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo inta badan abaalmarinaha isku cidhiidhya.

CR7 ayaa noqday shaqsiga markan dagaalka ku gacan sarreeyay waxaana uu goolkii ugu qurxoonaa tartanka ku garaacay Lionel Messi isaga oo booska koowaad soo galay halka booska labaad Messi loo doortay.

Ronaldo ayaa goolka uu kaalinta koowaad ku galay kasoo dhaliyay kooxdiisii hore ee Manchester United walow ugu dambayn ay United ka adkaatay hadana waxa uu laag xoogan dhex dhigay shabaqa De Gea isaga oo baas dheer ka helay Bonucci.

Goolka Messi uu booska labaad ku yimid ayaa ah laadkii xorta ahaa ee indho daraandarka ahaa ee uu kasoo dhaliyay Liverpool wareegii afar dhammaadka

Goolka saddexaad ayuu soo galay midkii uu Sadio Mane sida cajiibka ah uga wareegay Manuel Nueur kulankii ay Bayern Munich kusoo reebeen wareegii 16-ka halka goolka afraad loo doortay gantaalkii uu Rakitic kasoo dhaliyay Tottenham.

Halkan Kaga Boggo Kala Sarreynta 10-ka Gool Ee Ugu Wanaagsanaa Champions League 2018-19.

1 Cristiano Ronaldo (Juventus v Manchester United) –  07/11/2018

2 Lionel Messi (Barcelona v Liverpool) – 01/05/2019

3 Sadio Mané (Bayern v Liverpool) – 13/03/2019

4 Ivan Rakitić (Tottenham v Barcelona) – 03/10/2018

5 Leroy Sané (Manchester City v Hoffenheim) – 12/12/2018

6 Kylian Mbappé (Manchester United v Paris Saint-Germain) –  12/02/2019

7 Raheem Sterling (Manchester City v Shakhtar Donetsk) –  07/11/2018

8 Ousmane Dembélé (Barcelona v Tottenham) – 11/12/2018

9 Philippe Coutinho (Barcelona v Manchester United) –  16/04/2019

10 Luis Suárez (Barcelona v Liverpool) –  01/05/2019