Siduu Ku Helay? – 10-kii Xiddig Ee Ugu Wacnaa Ee Uu Guardiola Soo Iibsaday & Xiddiga 1-aad Ah Oo Siduu Ku Helay Cajiib Tahay

Tababaraha haatan ee kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ahaa mid wakhtiyo badan oo guul ah kusoo raaxaystay tan iyo markii uu tababaraha noqday sanadkii 2007.

Waxa uu gabi ahaanba Spain ku qabsaday Barcelona, Germany ayuu ku muquuniyay awoodii Bayern Munich halka uu England sanado ku haystay Manchester City oo uu koox holac ah ku dhistay.

p1e8rvvpel4bc7atigi164p1idb.jpg

Tababare Guardiola ayaa awooday inuu guulahaas ku gaadho hab maamulkiisa cajiibka ah iyo waliba isaga oo adeegsanaya hanaanka ciyaareed ee hirgalay ee Tiki-Taka.

Si lamid ah tababarayaasha kale ee dunida oo dhan, Guardiola ayaa saxeexyo xun soo sameeyay inta uu kusoo gudo jiray waayihiisa ciyaareed anaga oo hore idiinla soo wadaagnay tobbanka saxeex ee ugu xun ee uu taariikhdiisa soo sameeyay.

Balse waxa uu sidoo kale soo sameeyay saxeexyo badan oo qurux badan, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa haatan tobbanka saxeex ee ugu wanaagsan ee uu sameeyay Pep taariikhdiisa oo ay soo xushay shabakadda GIVEMESPORT.

Xiddiga booska kaalinta koowaad ka galay ayaa ah Robert Lewandowski oo uu Bayern Munich kula saxeexday, arrinta waalida ka dhigaysa saxeexan ayaa ah in Lewandowski oo kamid ah weeraryahanada dunida ugu wanaagsan uu bilaash kula saxeexday Guardiola iyadoo laga warqabo faa’idada ay ku qabto Bayern.

Saxeexa kaalinta labaad galay ayaa ah Gerard Pique oo uu Barca kula saxeexday sanadkii 2008, Pique ayaa heshiis 4.5 Milyan Pound ah oo kaliya ugu wareegay Barca isaga oo 12 sano haatan kooxdaas ku sugan 531 kulana u ciyaaray isla markaana 47 gool usoo dhaliyay.

Saxeexa saddexaad ayaa ah Dani Alves, inuu 32 Milyan kasoo bixiyay sanadkii 2008 oo uu Barcelona kaga soo biiray Sevilla ayaa heshiis qaali ah u muuqday balse Alves ayaa raqiis ka dhigay lacagtaas noqdayna mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan dunida booska daafaca midig.

Halkan Kaga Boggo Tobbanka Saxeexa Oo Dhan

10. Ilkay Gundogan

Transfer: Dortmund – Manchester City | 2016 | £24.30m

9. Bernardo Silva

Transfer: Monaco – Manchester City | 2017 | £45m

8. Aymeric Laporte

Transfer: Athletic Bilbao – Manchester City | 2018 | £58.50m

7. Thiago

Transfer: Barcelona – Bayern Munich | 2013 | £22.50m

6. Javier Mascherano

Transfer: Liverpool – Barcelona | 2010 | £18m

5. Joshua Kimmich

Transfer: Stuttgart – Bayern Munich | 2015 | £7.65m

4. Ederson

Transfer: Benfica – Manchester City | 2017 | £36m

3. Dani Alves

Transfer: Sevilla – Barcelona | 2008 | £31.95m

2. Gerard Pique

Transfer: Manchester United – Barcelona | 2008 | £4.5m

1. Robert Lewandowski

Transfer: Dortmund – Bayern Munich | 2014 | Bilaash

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook