TOP 10: Tobbanka Tababare Taariikhda Fiiican Tartanka Champions League Oo Qiimayn Buuxda lagu Sameeyay-Ayaa Kaalinta Kowaad Ku Jira?

Indhaha kubbada cagta aduunka ayaa si buuxda ugu soo jeeda finalka UEFA Champions League ee magaalada Madrid habeen danbe ku dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Tartanka UEFA Champions League ayaa ah midka ugu xiisaha badan qaarada Yurub iyo guud ahaan tartamada heer kooxeed waxaana uu markale mucjisooyinkiisa lasoo laaban doonaa habeen dambe.

Liverpool iyo Tottenham ayaa ah labada kooxood ee habeen dambe kala qaadi doona tartankan waxaana ay ku balansan yihiin caasimada Spain gaar ahaan gegida Ateltico Madrid ee Wanda Metropolitano.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa qiimaynta iyo kala sarreynta tobbanka tababare ee abid ugu fiicnaa tartanka Champions League, Tirada koobabka ay kusoo kala guuleysteen iyo heerkooda guuleed.

Haddaba halkan kaga bogo qiimayn buuxda oo lagu sameeyay tababaryaashii taariikhda Champions league ugu fiicnaa iyo sida ay tobanka kaalmood ee sare ugu soo kala baxeen.

10: Ottmar Hitzfeld

Kooxaha Uu Tababaray: Borussia Dortmund iyo Bayern Munich
Guul/Barbaro/Guuldaro: 48/27/20
Boqoleyda Guulihiisa: 51%
Koobabka Uu Kusoo Guuleystay Ee Champions League 1997 (Dortmund), 2001 (Bayern)

9: Rafa Benitez

Kooxaha Uu Tababaray: Liverpool, Inter, Chelsea, Napoli, Real Madrid
Guul/Barbaro/Guuldaro: 54/20/21
Boqoleyda Guulihiisa: 57%
Koobabka Uu Qaaday: 2005 (Liverpool)

8: Vicente del Bosque

Kooxaha Uu Tababaray: Real Madrid
Guul/Barbaro/Guuldaro: 34/12/14
Boqoleyda Guulihiisa: 57%
Koobabka Uu Qaaday: 2000, 2002

7: Jupp Heynckes 

Kooxaha Uu Soo Tababaray: Real Madrid iyo Bayern Munich
Guul/Barbaro/Guuldaro: 41/16/20

Boqoleyda Guulihiisa: 70%
Koobabka Uu Kusoo Guuleystay: 1998 (Madrid), 2013 (Bayern)

6: Sir Alex Ferguson

Kooxaha Uu So Tababaray: Manchester United
Guul/Barbaro/Guuldaro: 105/50/39
Boqoleyda Guulihiisa: 54%
Koobabka Uu Qaaday: 1999, 2008

5: Louis van Gaal

Kooxaha Uu Soo Tababaray: Ajax, Barcelona, Bayern Munich, Manchester United
Guul/Barbaro/Guuldaro: 57/16/22

Boqoleyda Guulihiisa: 60%
Koobabka Uu Ku Guuleystay: 1995 (Ajax)

4: José Mourinho

Kooxaha Uu Soo Tababaray: Porto, Chelsea, Inter, Real Madrid, Manchester United
Guul/Barbaro/Guuldaro: 79/36/22
Boqoleyda Guulihiisa: 54%
Koobabka Uu Ku Guuleystay: 2004 (Porto), 2010 (Inter)

3: Carlo Ancelloti

Kooxaha Uu Soo Tababaray: Parma, Juventus, Milan, Chelsea, PSG, Real Madrid, Bayern Munich, Napoli
Guul/Barbaro/Guuldaro: 88/35/36
Boqoleyda Guulihiisa: 55%
Koobabka Uu Ku Guuleystay: 2003, 2007 (Milan), 2014 (Real Madrid)

2: Pep Guardiola

Kooxaha Uu Soo Tababaray: Barcelona, Bayern Munich, Manchester City
Guul/Barbaro/Guuldaro: 69/24/21
Boqoleyda Guulihiisa: 61%
Koobabka Uu Ku Guuleystay: 2009, 2011 (Barcelona)

1: Zinadine Zidane

Zidane ayaa noqday tababaraha ugu taariikhda fiican UEFA Champions League kadib markii uu saddex jeer oo xidhiidh ah koobkan ka soo caawiyay Real madrid isaga oo ah tababaraha ku suntan taariikhda Champions league.

Kooxaha Uu Soo Tababaray: Real Madrid
Guul/Barbaro/Guuldaro : 23/6/4
Boqoleyda Guulihiisa: 70%
Koobabka Uu Ku Guuleystay: 2016, 2017, 2018

1 Comment

  1. Wadaayow Boqolleydan sidee loo qiimeeyay.
    Waxaan u heystay inta cayaar ee tababare kasta cayaaray. inta dhibco uu ka keensaday oo loo qeybiyay inta laga rabay oo lagu dhuftay 100.
    Tusaale Zidane:
    33 cayaar guud ahaan. 23×3=69, 6×1=6, 4×0=0 waxaa u soo baxay 75
    waxaa laga raby 33×3=99
    75/99=0.75
    0.75×100=75
    Wxaan dhihi lahaa 75% halak ay ka tahay 70%
    In aan qaldanahay ayaa laga yaaba ee ha la ii saxo.

Comments are closed.