TOP 10: Tobbanka Kooxood Ee Ugu Qiimaha Badan Kubadda Cagta Oo Lasoo Saaray, Real Madrid Oo Ugu Dambayn Man United Dhaaftay & Booska Kooxdaadu Heshay.

Warbixin ay soo saartay hay’ada Brand Finance ayay ku shaacisay tobbanka kooxood ee ugu qiimaha badan dunida kubadda cagta waxaana ugu dambayn booskeedii koowaad wayday Man United oo ay haatan Real Madrid ka sarre martay.

Manchester United ayaa iyada oo xaalad xun ku jirta haddana sanadihii ugu dambeeyay booska koowaad kasoo joogtay kooxaha ugu qiimaha badan caalamka balse waxa markan soo dhaaftay Madrid.

United ayaa haatan lagu qiimeeyay €1.472billion waxaana ay hoos usoo dhacday 5.8% halka Real Madrid oo lagu qiimeeyay €1.646billion ay samaysay kor u kac 29% ah.

Booska saddexaad ayay soo gashay Barcelona markale waxaana ay ku qiimaysatahay €1.393billion  halka Bayern Munich oo booska afraad ku jirta ay tahay mid ku salaysan €1.314billion .

Booska shanaad ayay gashay Manchester City oo laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah hanatay horyaalka Premier League halka lixaad ay soo xidhatay Liverpool oo laba jeer oo xidhiidh ah gaadhay Final-ka Champions League.

Chelsea oo toddobaad ah, PSG oo siddeedaad ah, Arsenal oo sagaalaad ah iyo kooxda Tottenham oo garoonkeeda cusub sababtiisa horumar kusoo samaysay ayaa soo dhammaystiray tobbanka sarre.

Tobanka Kooxood Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Ee Aragtida Brand Finance & Qiimahooda

10. Tottenham Hotspur – €758million (£662m)

9. Arsenal – €885million (£773m)

8. Paris Saint-Germain – €914million (£799m)

7. Chelsea – €968million (£846m)

6. Liverpool – €1.191billion (£1.04bn)

5. Manchester City – €1.255billion (£1.10bn)

4. Bayern Munich – €1.314billion (£1.15bn)

3. Barcelona – €1.393billion (£1.22bn)

2. Manchester United – €1.472billion (£1.29bn)

1. Real Madrid – €1.646billion (£1.44bn)