TOP 10: Liiska Tobbanka Tababare Ee Ugu Koobabka Badan Qaarada Yurub, Midkee Sareeya Jose Mourinho Iyo Pep Guardiola Miyayse Liiska Kusoo Baxeen Unai Emery Iyo Jurgen Klopp?

Tababarayasha qaarada Yurub iyo kuwa ku sugan dunida dacaladeeda kaleba ayaa ah kuwo uu mid kasta leeyahay wakhtigiisa isaga oo kaashada khibradiisa ciyaareed iyo waliba nasiibkiisa.

Warbixintan ayaa ah mid aan ku eegi doono liiska 10-ka tababare ee ugu koobabka badan qaarada Yurub, Liiskan ayaa ah mid uu booska koowaad kaga jiro tababaraha Man United ee Jose Mourinho oo kasoo hor maray shaqsiga ay sida ba’an xifaaltamaan ee Pep Guardiola.

Liiskan ayaa ah mid gabi ahaanba laga dhex waayay tababaraha haatan ee Liverpool ee Jurgen Klopp halka uu booska 7-aad kasoo muuqday macalinka Arsenal ee Unai Emery.

FG: Liiska 10-ka tababare ee aan ka hadli doono ayaa ah mid ku kooban kaliya macalimiinta haatan ku jira shaqada tababarenimo waxaana ka maqan shaqsiyaad uu kamid yahay Zinadine Zidane oo haatan shaqo la’aan ah.

Sidoo kale waxa xusid mudan in Koobabka aan xusi doono ay kaliya ku kooban yihiin horyaalada Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1, Koobabka Maxaliga ah ee dalalka horyaalada aan soo xusnay iyo waliba tartamada waaweyn ee qaarada Yurub sida Champions League iyo Europe League (Ex-UEFA)

10: Diego Simeone

4 Koob – Hal mar oo La Liga ah, Hal mar oo Copa Del Rey ah iyo Laba jeer oo Europe League ah

10: Didier Deschamps

6 Koob – Didier ayaa kusoo guuleystay 1 horyaal oo Ligue 1 ah, Afar jeer oo Coupe de la Ligue iyo Hal Koob Aduun

9: Luis Enrique

6 Koob – Laba horyaal oo La Liga ah, Saddex Koob oo Copa Del Rey ah iyo hal Koob oo Champions League ah

8: Unai Emery

7 koob – Hal horyaal oo Ligue 1 ah, Laba jeer oo Coupe De France ah, Hal Koob oo Coupe de la Ligue iyo saddex Europe League

7: Rafael Benitez

7 koob – Laba Koob Oo La Liga ah, Hal Koob oo FA Cup ah, Hal Koob Oo Coppa Italia ah, Hal Champions League iyo laba Europe League.

5: Maxi Allegri

9 Koob – Shan koob oo Serie A ah iyo Afar koob oo Coppa Italia Ah

4: Roberto Mancini

9 Koob – Laba Horyaal oo Serie A ah iyo hal horyaal oo Premier League ah, Afar Coppa Italia iyo Hal FA Cup

3: Carlo Ancelloti 

10 Koob – Min hal horyaal oo kala ah, Premier League, Ligue 1, Bundesliga iyo Serie A, Min hal Coppa Italia, Copa Del Rey iyo FA Cup iyo Saddex Koob Oo Champions League ah

2: Pep Guardiola

14 Koob – Min saddex horyaal oo La Liga iyo Bundesliga ah iyo Hal Koob oo horyaalka Premier League ah, Laba Coppa Del Rey, Laba DFB Pokal, Hal Carabao Cup ah iyo laba Champions League

1: Jose Mourinho

17 Koob – Saddex horyaal oo Premier League ah, Laba horyaal oo Serie A ah iyo hal horyaal oo La Liga ah, 4 League Cup iyo FA Cup, Hal Coppa Italia, Hal Copa Del Rey, Laba Champions League iyo laba Europe League.

7 Comments

  1. Marka hore aad bad u mahadsantihin
    Xogta ad inoso gudbisen Lkn wxa haboon inad iska hubisan qoraalada ad kuso qoreysan webkiina

    • In aad qoraalka fahantaa waxay ka horaysaa in aad qof eedayso. Marka hore fahan waxa laga hadlayo kadib kadib wixii qalad ah sheeg. qaybta qoraalkan miyaad fahantay: ” Sidoo kale waxa xusid mudan in Koobabka aan xusi doono ay kaliya ku kooban yihiin horyaalada Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1, Koobabka Maxaliga ah ee dalalka horyaalada aan soo xusnay iyo waliba tartamada waaweyn ee qaarada Yurub sida Champions League iyo Europe League (Ex-UEFA)

      Haddii aad qoraalkan fahantay nataada ayaad sixi kartaa inta aanad qof ku saxa u baahan. si kastaba waad mahadsan tahay balse qoraalka ha loo fiirsado.

Comments are closed.