Tobban Kun Oo Jeer Ayaan Is Weydiiyay Sababta Aan Anigu U Hanan Waayay – Frank Ribery Oo Dib U Furay Dooda Ballon d’Or 2013 & Cadaalad-darradii Uu Dareemay Oo Uu Ka Sheekeeyay.

Waxa layaab leh inay durtaba lix sano kasoo wareegaan 2013 oo ah markii uu Frank Ribery sida weyn ugu dagaalamay abaalmarinta Ballon d’Or, Ilaa wakhtigaas waxba isma aysan bedelin waxaana wali figta ugu sarreysa ee kubadda cagta haysta Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Hal ciyaartoy oo sanadkaas u xasuusan kara sida mid shalay oo kale ahaa ayaa ah Ribery maadaama oo uu 35 jirkan si dirqi ah ku seegay hanashada abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or marka laga yimaado inuu ahaa sanadkiisii ugu fiicnaa ee xirfadiisa.

Ribery ayaa xilli ciyaareedkaas oo ahaa 2012/13 kusoo guuleystay dhammaan waxkasta oo uu awooday isaga oo dhammaan kooxdiisa lasoo qaaday koobabka kala ah horyaalka Bundesliga, DFB-Pokal, Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.

Haddaba, Ribery ayaa sheegay inuu isku arkayay shaqsiga ku guuleystay Ballon d’Or isla markaana uu booska saddexaad ee uu galay u arkayay cadaalad darro.

Ribery ayaa yidhi ugu horreynba “Waxaan naftayda u arkayay ku guuleystaha Ballon d’Or ahaan, Xataa maanta waxaan filayaa inaan u qalmay, Wali igama aysan daadagin, Waxaan sameeyay waxkasta si aan iyada (Ballon d’Or) u helo”

“Waxaan calaamadiyay dhammaan khaanadaha, Waxaan kula guuleystay dhammaan wixii aan awooday Bayern, Maan samayn karayn intaa wax ka wanaagsan, Waxaan sameeyay sanad shaqsiyeed aad iyo aad u weyn”

“May jirin wax aan uga xumaado Ronaldo ama Messi sanadkaas, Xaqiiqdii darbad weyn ayaa madaxa iga haleeshay, Waxaan kaalintan saddexaad u arkayay cadaalad daro xun”

“Waxaan is weydiiyay 10,000 jeer maxay aniga u noqon wayday?, Markasta oo aan fikiro waxa ay ahayd markasta oo aan nacayb qaado, Waxkasta ma caddayn”

Abaalmarinta ayuu hantay Ronaldo oo helay boqolkiiba 27.99 cod halka uu labaad soo galay Messi oo helay boqolkiiba 24.72 halka Ribery uu saddexaad ku noqday boqolkiiba 23.36 cod.