RASMI: Sida Loogu Kala Guulaystay Tobanka Kaalmood Ee Abaal Marinta Ballon D’Or Ugu Sareeya Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyay.

Majalada France Football ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday kaalmaha ay kala galeen 30 kii musharax ee abaal marinta Ballon D’Or waxaana si gaar ah loogu dhawaaqay tobanka xidig ee sanadkan kaalmaha ugu sareeya galay.

Xidiga xulka qaranka Algeria iyo kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa ku soo baxay tobanka xidig ee ugu sareeya Ballon d’Or inkasta oo sanadkan aanu boos joogto ah ka soo haysan kooxda Guardiola.

Laakiin Bernardo Silva oo isla Manchester City ka tirsan isla markaana sanad layaableh soo qaatay ayaa hal kaalin oo kalya ka fiican Mahrez taas oo u muuqata mid jaho wareer ku ridaysa jamaahiirta kubbada cagta iyo Man City.

Robert Lewandowski ayaa ku soo baxay kaalinta 8 aad ee abaal marinta Ballon d’Or halka goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker uu galay kaalinta 7 aad ee Ballon d’Or isaga oo sidoo kale ku guulaysatay abaal marinta goolhayaha aduunka ugu fiican.

Advertisements

Kylian Mbappe ayaa kaalinta 6 aad kaga dhamaystay codbixintii Ballon d’Or halka Mohamed Salah oo Liverpool kula soo guulaystay Champions League uu kaalinta 5 aad ku jiro.

Sadio Mane ayaa kaalinta afraad galay halka Cristiano Ronaldo uu kaalinta saddexaad ku dhamaystay waxaana abaal marintan kaalinta labaad ka galay Virgil Van Dijk iyada oo Lionel Messi uu markii lixaad ku guulaysatay ballon d’Or.

Halkan kaga bogo Liiska Kaalmaha 10 ka sare ee Ballon d”Or.

10 – Riyad Mahrez (Manchester City)

9 – Bernardo Silva (Manchester City)

8 – Robert Lewandowski (Bayern Munich)

7- Alisson Beceker (Liverpool)

6- Kylian Mbappe (PSG)

5- Mohamed Salah (Liverpool)

4 – Sadio Mané (Liverpool)

3 – Cristiano Ronaldo (Juventus)

2 – Virgil Van Dijk (Liverpool)

1 – Lionel Messi (Barcelona) -Guulaysataha Ballon d’Or 2019

Advertisements