Tobanka Tababare Ee Premier league Ugu Mushaarka Badan Oo La Shaaciyay-Macalinka Kaalinta Kowaad Ku Jira Oo Laba Jibaar Ka Badan Kaalinta Labaad.

Tababarayaasha kubbada cagta ayaa guud ahaan ka mid ah shaqsiyaadka ugu mushaarka badan, waxaana la shaaciyay tobanka tababare ee Premeir League ugu mushaarka sareeya.

Waxaa jira tababarayaal ka shaqeeya kooxo yar yar oo xataa ka mushaar badan qaar ka mid ah macalimiinta qaar ka mid ah kooxaha waa wayn ee Premier League.

Tababaraha kooxda Manchester Cigty ee Pep Guardiola ayaa laba jibaar ka mushaar shareeya ninka ugu soo xiga waana tababaraha ugu mushaarka qaalisan Premier League.

Sida xogtan lagu shaaciyay waxa uu Guardiola mushaar ahaan u qaataa 20 milyan gini laakiin Mauricio Pochettino oo Tottenham laylya ayaa kaalinta kaalinta labaad ugu jira 8.5 milyan gini waana in laba jibaar ka hoosaysa mushaarka Guardiola.

Tababaraha kooxda Manchester United ku dhibtoonaya ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa kaalinta saddexaad kaga jira mushaarka ugu sareeya ee ay tabarayaasha Premier League qaataan.

Laakiin Jurgen Klopp oo Liverpool ku soo hogaamiyay koobabka Champions League iyo UEFA Super Cup ayaa kaalinta afraad ugu jira 7.5 milyan gini.

Frank Lampard ayaa kaalinta 8 aad kaga jira tababarayaasha ugu mushaarka badan Premier leauge wuxuuna qaataa 5 milyan gini oo kaliya waana in 15 milyan gini ka hoosaysa Guardiola.

Halkan kaga bogo Tobanka Tababare Ee Premier league Ugu Mushaarka Badan.

1-Pep Guardiola – Manchester City – £20m

2-Mauricio Pochettino – Tottenham – £8.5m

3-Ole Gunnar Solskjaer – Manchester United – £7.5m

4-Jurgen Klopp – Liverpool – £7.5m

5-Manuel Pellegrini – West Ham – £7m

6-Ralph Hasenhuttl – Southampton – £6m

7-Unai Emery – Arsenal – £6m

8-Frank Lampard – Chelsea – £5m

9-Brendan Rodgers – Leicester – £5m

10-Eddie Howe – Bournemouth – £4m