Tobanka Saxeex Ee Ugu Qaalisan Ee Ay Xagaagan Lasoo Saxeexdeen Kooxaha Premier League Oo Lasoo Saaray, Kepa, Alisson Becker & Mahrez Oo Qayb Ka Ah.

Waxa xalay fiidkii si rasmi ah loo soo af-meeray suuqa kala iibsiga ee horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska oo xagaagan soo xidhmay xilli ka horraysa xilligii uu xidhmi jiray sanadihii hore, Kooxo badan ayaa mahadinaya qaabka uu ugu soo idlaaday suuqa xagaagu halka ay kuwo kale madax xanuun kaga baxeen.

Kooxaha Liverpool & West Ham United ayaa lagu tilmaamay kooxaha shaqada ugu weyn ka qabsaday suuqa kala iibsiga kaddib markii ay lasoo saxeexdeen xiddigo muhiim ah isla markaana wax weyn kusoo kordhin kara safafkooda halka kooxda Tottenham ay qaadatay xilli suuq musiibo ku ah kaddib markii ay ku fashilantay inay ugu yaraan hal saxeex kooxdeeda kusoo darto.

 

Suuqa kala iibsiga xagaagan ee Premier League ayaa ah mid sidii hore ka geddisan maadaama oo liiska TOBANKA xiddig ee ugu qaalisan ay ugu horreyaan laba goolhaye, Kooxda ree London ee Chelsea ayaa noqotay kooxda samaysay saxeexa ugu qaalisan EPL ee xagaagan 2018, Goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaana Blues ku yimid aduun dhan 71.6 Milyan, Halka goolhaye Alisson Becker oo mudo gaaban haystay rekoodhkaasi uu Liverpool kusoo gaadhay lacag 67 Milyan ah.

Laakiin inkasta oo kooxaha Premier league ay xili suuqan soo dhamaaday lacago rekoodh ah kula soo wareegeen dhawr ciyaartoy haddana waxay si wayn uga hooseeyaan xagaayadii la soo dhaafay oo ay koox kastaaba lacag badan suuqa galisay iyada oo sanadkan Tottenham ayna hal ciyaartoy la soo saxiixan halka Man United oo lacag badan suuqa galin jirtay ayna ku guulaysan bartilmaameedkeedii.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa liiska 10-ka saxeex ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ee Premier League ee xagaaga 2018.

1: Kepa Arrizabalaga (Chelsea) – £71.6m

2: Alisson Becker (Liverpool) – £65m

3:Riyad Mahrez (Man City) – £60m

4: Fred (Manchester United) – £52m

5: Jorginho (Chelsea) – £57m

6: Naby Keita (Liverpool) – £52.75m

7: Fabinho (Liverpool) – £43.7m

8: Felipe Anderson (West Ham) – £42m

9: Richarlison (Everton) – £40m

10:Yerry Mina (Everton) – £28.5m