Tirada Dadkii Daawaday Ciyaartii Belgium vs Brazil Oo La Shaaciyey Iyo Waxa Ay Kaga Duwan Tahay Kulankii France vs Argentina

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhowaaqay tirada dadkii daawaday ciyaartii xiisaha lahayd ee Brazil iyo Belgium oo guushu ay 2-1 ku raacday Belgium.

Ciyaartan oo dunida oo dhan si aad ah loogala socday, ayaa waxa daqiiqaddii 13aad waxa goolka koowaad heshay Belgium kaddib markii uu Fernandinho iska dhaliyey kubbad koorne ahayd oo lasoo qaaday, waxaanay mid labaad ku dartay oo ahaa laag awood badan ku daray Kevin de Bruyne daqiiqaddii 31aad ee qaybtii hore, hase yeeshee Brazil ayaa qaybtii labaad soo bandhigay ciyaar cajiib ah iyo weerarro halis ahaa oo dhamaantood ay u babac dhigeen difaaca Belgium iyo goolhaye Courtois, waxaase daqiiqaddii 76aad ay ku guuleystee in gool madax ah oo aanay waxba uga dambaynin u dhaliyey Renato Augusto oo beddel kusoo galay, sidaana waxa 2-1 ku hadhay Brazil, halka Belgium ay u gudubtay wareegga afarta ee Koobka Adduunka.

Haddaba markii ay ciyaartan oo ka dhacay garoonka Kazan Arena ee magaalada Kazan ayaa waxay FIFA barteeda Twitterka ku shaacisay tirada dadkii fadhiyey garoonka ee ciyaarta daawaday, taas oo ka sare martay dadkii daawaday ciyaarihii hore uga dhacay garoonkaas ee France vs Argentina, Poland vs Colombia.

Intii aanay ciyaartu dhamaanin ayaa waxay jamaahiirtu wada iibsadeen dhamaan tigidhadii loogu talo galay in ciyaarta lagu daawado oo ay tiradoodu dhamayd 42,873 tigidh, mana jirin hal tigidh oo aan la iibsanin, taas oo ka dhigan in garoonku uu buuxay.