Tikidhada Kulanka Madrid Derby Oo Xili Horeba La Dhamaystay Inkasta Oo Qiimo Aad Qaali Ah Lagu Iibinayay Iyo Xamaasada Estadio Wanda Metropolitano Oo Haddaba La Sii Dareemayo.

Afar maalmood ka hor marka ay kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ku ciyaari doonaan garoonka cusub ee Estadio Wanda Metropolitano waxaa haddaba la sii dhamaystay iibinta tikidhada kulankan lagu gali doono iyada oo xamaasada kulanka Madrid uu sabab u noqday in tikidhada oo qaali ah hore laga dhamaystay. Atletico Madrid ayaa gali doonta usbuuc xili ciyaareedka kooxdeeda muhiimada khaas ah u yeelan doona iyada oo Real Madrid iyo AS Roma la wada ciyaari doonta.

Kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid ayaa maanka ku haysa in usbuuca soo socda ee sabta ka bilaamayaa uu si dhab ah u qeexi karo qaabka uu xili ciyaareedka kooxdeedu noqon doono iyada oo marka hore sabtida soo dhawayn doonta Real Madrid, waana kulan saamayn toos ah ku yeelan doona tartanka La Liga gaar ahaan labada Madrid.

Haddii uu maanta qof u baahdo in uu iibsado tikidh uu ku galo kulanka Madrid Derby ee Estadio Wanda Metropolitano, ma heli karo maadaama oo xili horeba lagu kala tagay  laakiin qiimaha ugu hooseeya ee tikidhada kulankan lagu iibiyay ayaa ahaa 70 euros halka qiimuhu uu gaadhay 495 euros laakiin haddana tikidhada ayaa xili horeba dhamaaday.

Atletico Madrid ayaa la hadhay tirada ugu badan ee tikidhada kulanka Madrid Derby laakiin si ka duwan kulankii Atletico Madrid iyo Barcelona waxay jamaahiirta Los Blancos heleen qaybta ay marti ahaan xaqa ugu lahaayeen si ay kooxooda markii ugu horaysay ugu taageeri karaan Wanda Metropolitano.

Atletico Madrid ayaa muhiimada kowaad siin doonta tartanka horyaalka La Liga maadaama oo ay halis wayn ugu jirto in ay seegto Champions Leaque oo ay u muuqato mid heerka groupyada ku hadhaysa inkasta oo natiijada kulanka AS Roma ee Wanda Metropolitano uu kala cadayn doono sida ay rajadoodu noqon doonto.

Atletico Madrid ayaan xili ciyaareedkan wax guuldaro ah ku arag horyaalka La Liga laakiin waxay soo gashay babraro aad u badan waxayna Los Blancos wada ciyaari doonaan iyaga oo wadaaga min 23 dhibcood kadib markii ay soo ciyaareen min 11 kulan.

Comments

comments