Thomas Tuchel Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Mbappe & Neymar Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Caawa Wargaysyada Yurub Qortay.

Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Iyadoo haatan uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan, xanta suuqa ayaa ah mid aan kala joogsi laheyn iyadoo warbaahinta isboortiga ee Yurub ay isku dayayso inay xog ka soo gudbiso xaaladii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo kooxaha.

Hadaba waxaan idiin soo uruurinay wararkii ugu waa weyn ee ay warbaahinta Yurub qoreen caawa fiidkii.

Waxaa Talyaaniga ka soo baxayay warar xan oo ku saabsan in Pep Guardiola uu heshiis la gaaray Juventys laakiin Alberto Galassi oo ka mid ah boodhka kooxda ayaa beeniyay wararkaas: “Guardiola waxa uu doonayaa inuu joogo Manchester City,

Sidoo kalena kooxda sida Juventus oo kale ah ma ogolaateen in warkaan uu sidaasi ku soo baxo, waa xan aan sal iyo raad laheyn” (Marca)

Barcelona ayaa qoratay liiska gooldhaliyayaasha ay doonayaan, waxaa liiskooda ku jira weeraryahanka Girona, Stuani, kan Tottenham, Fernando Llorente, kan Celta Vigo Maxi Homez iyo kan Sevilla, Ben Yedder. (Mundo Deportivo)

Manchester United ayaa weli war ka sugeysa daafaca midig ee Paris Saint-Germain Thomas Meunier. Xiddigaan ayaa waxaa dhowr jeer daawaday saraakiil ka socota Shayaadiinta Cas Cas, waxaana uu haatan ka horeeya daafaca midig ee Crystal palace Aaron Wan-Bissaka kaasoo isna ku jira liiska ciyaartoyda ay kooxda dooneyso. (Manchester Evening News)

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaan hubin in Neymar iyo Mbappe ay sii joogayaan kooxda xilli ciyaareedka soo socda isagoo yiri: “Waxaan doonayaa in Neymar iyo Mbappe ay sii joogaan kooxda, haddii aysan dhicin waxaan raadin doonaa xal.” (Marca)

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay la soo saxiixato xiddiga Paris Saint-Germain Adrien Rabiot, xiddigaan ayaa waxaa kooxda PSG ka saaray tababare Thomas Tuchel, waxaana qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaagan iyadoo United ay dooneyso inay si bilaash ah kula soo wareegto. (Manchester Evening News)

Luka Modric oo lala xiriirinayay Inter Milan ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Real Madrid, waxaana ugu wacan abaalmarintii Ballon d’Or ee uu ku guuleystay iyadoo heshiiskiisa ay ku jirtay inuu sannad dheeri ah helayo haddii uu abaalmarinta qaado. (Marca)

Barcelona ayaa diidan inay sarre u qaado dalabkeedii 75ta milyan euro ee ay ka gudbisay kabtanka Ajax Matthijs de Ligt, taasoo cabaqad ku noqon karta inay la soo wareegaan daafaca aadka loo qiimeeyo oo sidoo kale ay xiiseynayaan kooxo ka dhisan Spain, Germany iyo Italy. (Goal)

Liecester City ayaa si lama filaan ah kula wareegi karta 35 jirka garabka ka ciyaara Arjen Robben kaasoo xagaagan ka tagay Bayern Munich ka dib markii uu qandaraaskiisa dhacay. (The Sun)

Inter Milan ayaa dalab gaashay 30 milyan ginni oo kaash ah iyo ciyaaryaha Ivan Perisic ku dooneyso inay ku soo bedelato weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku. (The Sun)

Real Madrid oo xagaagan dooneysa inay lacag badan geliso suuqa kala iibsiga ayaa bilaabeysa qorshihii ay ku soo xerogelin laheyd xiddiga PSG Kylian Mbappe iyagoo doonaya inay saxiixiisa ku qarashgareeyaan 250 milyan euro (AS)