Thibaut Courtois Oo Sheegay In Ay Muhiim Tahay In Jiilka Xulka Qaranka Belgiam Ay Sameeyaan Taariikh Uu Dalka Leeyahay, Muxuuse Ka Yidhi Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea?.

Goolhaayaha xulka qaranka Belgian iyo kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa xaqiijiyay in xiligan uusan ka fikireyn arimha ku aadan mustaqbalkiisa, islamarkaana uu diirada saari doono xulkiisa qaranka oo kaliya iyo kulamada ay ka ciyaari doonaan koobka aduunka 2018 oo maraya wareega afar dhamaadka.

Xulka qaranka Belgian ayaa noqday xulka ugu horeeyay ee gaaray wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia, kadib bandhigii cajiibka ahaa ay sameeyeen dhamaan ciyaartoyda xulka qaranka Belgian, gaar ahaan goolhaayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois.

Waxaa jiray wararka xan ah dhawaan soo baxay ee ku aadan in Real Madrid ay isha ku heyso saxiixa Thibaut Courtois inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, si ay kaga dhigato badalka goolhaayaha reer Costa Rican Keylor Navas, kaasoo la filayo in uu ka dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabéu.

Thibaut Courtois ayaa wareysi uu dhawaan kaga hadlay mustaqbalkiisa Stamford Bridge wuxuuna yidhi: “Kuma fikirayo xiligan waxaan ka ahayn koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda Russia, waa in jiilkeenan ay si weyn diirada u saaraan, waa mid aad muhiim u ah in la sameeyo wax taariikh ah uu dalku leeyahay”.

Goolhaayaha kooxda Chelsea ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Todobo ama sideed maalmood ka dib dhamaadka Koobka Aduunka, waxaan go’aansan doonaa waxa ugu fiican, waxaan ka hadli doonaa sida aan ka yeeli lahaa mustaqbalkeyga soo aadan”.