Thibaut Courtois Oo Aan Ku Faraxsanayn In Real Madrid Lala Xidhiidhinayo Jose Mourinho & Antonio Conte Iyo Hadal Layaab Leh Oo Uu Ka Dhex Yidhi Qolka Labiska Madrid Oo Si Sir Ah Loo Ogaaday.

Goolhayaha ku cusub kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa lagu soo warramayaa inuusan gabi ahaanba ku faraxsanayn wararka kooxdiisa cusub la xidhiidhinaya tababarayashi hore ugu soo maamulay Chelsea ee Antonio Conte iyo Jose Mourinho.

Tababaraha Real Madrid ee  Julen Lopetegui ayaa dhibaataysan waxaana uu u jeedaa kooxdiisa oo booska 7-aad ka fadhida miiska kala sarreynta La Liga kaddib kaliya sagaal kulan oo la ciyaaray.

Wararka soo baxayay toddobaadkii hore ayaa sheegaya in madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez uu maanka ku hayo inuu iska fasaxo Lopetegui iyada oo lala xidhiidhinayay Jose Mourinho oo Man United ka macalin ah iyo Conte oo shaqo la’aan ah.

Haddaba, Sida uu kusoo warramayo wargeyska El Pais goolhayaha ree Belgium ayaan wax farxad ah ku dareemayn wararka labadan shaqsi kooxda la xidhiidhinaya waxaana uu qolka labiska kaga deyriyay in lagaga daba keeno Estadio Santiago Bernabeu.

Hadalka Courtois uu ka dhex yidhi qolka labiska Los Blancos ayaa ah “Ma rumaysan karo, Halkan waxaan ahay midka kaliya ee lasoo wada shaqeeyay Antonio Conte iyo Jose Mourinho”

“Waxaan London uga soo tagay inaanan dhex galin waxyaabahas oo kale mar labaad, Haatana waxay u muuqataa in Conte imanayo haddii uu iman waayana Mourinho imanayo”