Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabin Doona Kulamada Champions League Ee Liverpool vs Bayern Munich & Lyon vs Barcelona.

Qaybta labaad ee kulamada lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions leauge ayaa markale ka bilaabayana garoomada Yurub iyada oo ay caawa jiri doonaan kulamo xiiso badan oo ay muddo dheer jamaahiirta kubbada cagta aduunku sugayeen.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku martigelinaysa Bayern Munich, lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League, halka Barcelona ay u safartay waddanka Faransiiska oo ay marti u noqonayso Lyon.

Kulanka aadka loo sugayo ee xiisaha gaarka ah leh waa ciyaarta ay Liverpool ku martigelinayso Bayern, taas oo noqonaysa ciyaartii 7aad ee abid ay labadan kooxood ku kulmaan ciyaaro ka tirsan tartamada Yurub, iyo sidoo kale kulankii afraad ee Bayern Munich ay ku ciyaarto garoonka Anfield.

Afar ka mid ah kulamadii hore ee dhex maray Liverpool iyo Bayern waxay ku kala baxeen barbar-dhac, labada kalena Liverpool ayaa guuleysatay, halka saddex jeer oo ay Bavaria u safartay Merseyside ay wax gool ah ku dhalin kari wayday gegida Anfield ee Liverpool.

Haddaba telefishanka beIN Sports, qaybtiisa luuqadda carabiga ku tebisa ciyaaraha ayaa soo saaray wariyeyaasha qaban doona ciyaaraha.

Kulanka Lyon iyo Barcelona ayaa waxa laga daawan doonaa beIN Sports 1, waxaana wada tebin doona laba wariye, halka Liverpool vs Bayern Munich laga baahin doono beIN Sports 2 oo ay laba wariye wada qaban doonaan.

Wariyaha caanka ah ee Raouf Khalif oo hayey ciyaartii Manchester United ay ku garaacday Chelsea ayaan nasan doonin, waxaana nasiib u yeelan doona inay codkiisa dhegaystaan daawadeyaasha kulanka Lyon vs Barcelona oo sidoo kale uu ku qoran yahay Axmed Dayib.

Kulanka xiisaha badan ee Liverpool vs Bayern Munich ayaa waxa uu telefishanka beIN Sports u magacaabay labada wariye ee Xafiid Daraji iyo Cali Maxamed Cali, kuwaas oo waqti horeba u diyaar-garoobi doona kulankan haddii aanay wax isbeddelin.