Team Of The Week: Kooxdii Ugu Fiicnayd Toddobaadkan Horyaalka Bundesliga Oo Lasoo Saaray & Xiddigaha Ismuujiyey Ee Ku Jira

Kooxdii ugu fiicnayd horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga toddobaadkiisii koowaad ee uu dib u bilaabmay ayaa lasoo saaray, waxaana inta badan urursatay kooxaha Bayer Leverkusen, Bayern Munich iyo Borussia Dortmund oo guul weyn oo 4-0 ah ka gaadhay kooxda ay deriska yihiin ee xafiiltanku ka dhexeeyo ee Schalke 04.

Horyaalka Bundesliga ayaa dunida oo dhan ay daawanaysay usbuucan, waxaana laga diiwaangeliyey rikoodho dhinaca daawashada ah oo adduunka oo dhan gaar ahaan kulankii Borussia Dortmund ay Sabtidii ku martigelisay Schalke oo ahaa kan loogu daawashada badnaa.

Ciyaartooyo badan ayaa bandhig cajiib ah sameeyey usbuucan, waxaana ka mid ahaa Kai Havertz oo kooxdiisa Bayer Leverkusen ku hoggaamiyey guul uu isagu inteeda badan ka shaqeeyey Isniintii.

Julian Brandt oo khadka dhexe uga ciyaaara Borussia Dortmund ayaa isaguna indhaha dunida qabsaday markii uu ciyaartii kooxdiisa ee usbuucan uu sameeyey laba caawimood oo goolal noqday iyo guud ahaan ciyaarta oo uu saamayn weyn ku lahaa.

Difaaca ay Bayern Munich ee Benjamin Pavard ayaa isaguna wacdaro ka dhigay ciyaartii kooxdiisu guusha kaga gaadhay Union  Berlin Axaddii.

Kooxdii usbuuca oo dhamaystiran oo ku dhisan qaab ah 3-5-2

Goolka: Rune Jarstein (Hertha Berlin)

Difaaca: Kevin Mbabu (Wolfsburg), Benjamin Pavard (Bayern Munich), Maximilian Mittelstadt (Hertha Berlin).

Dhexda:  Moussa Diaby (Bayer Leverkusen), Kerem Demirbay (Bayer Leverkusen), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund), Kai Havertz (Bayer Leverkusen), Julian Brandt (Borussia Dortmund)

Weerarka: Robert Lewandowski (Bayern Munich) & Striker: Erling Haaland (Borussia Dortmund)

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

2 Comments

Comments are closed.