Tartanka Xoogan Ee Loogu Jiro Saxeexa Aaron Ramsey Oo U Muuqda Mid Lagu Kala Adkaaday & Koox Hoggaanka U Haysa Helista Xiddigan Arsenal Kasii Jeeda.

Tartanka loogu jiro saxeexa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey kaas oo u muuqda mid kasii jeeda kooxdiisa waxaana haatan hoggaanka saxeexa xiddigan ree Wales lagu baadigoobayo hoggaanka u qabatay koox cusub oo aan hore loola xidhiidhin.

Marka laga yimaado inuu kooxdiisa haatan la joogo mudan toban sano ah, Heshiis kordhintii u dhaxaysay maamulka kooxda iyo Ramsey ayaa gabi ahaanba bur-burtay iyadoo ay ugu wacantahay in mushaharka uu xiddigani dalbanayo la isku af-garan waayay.

Haddaba, Iyadoo ay hore xiddigan u xiisaynayeen kooxo badan oo ay ugu horreeyaan Liverpool, Chelsea iyo Juventus  balse waxa haatan tartanka qaab xoogan kusoo gashay kooxda Bayern Munich.

Wararka ugu dambeeyay ee la helayo maanta oo Axad ah ayaa sheegaya in kooxda difaacaneysa horyaalka Germany ay boos fiican u fadhido inay xiddigan qaab xor ah kula saxeexato suuqa xagaaga dambe.

Sharciga FIFA ayaa dhigaya in xiddigani uu la xaajoon karo kooxaha ka baxsan gudaha dalka England marka la gaadho sanadka cusub isla markaana uu kala tashan karo qorshaha ay u hayaan waana fursad ay Bayern haysato maadaama oo ay Liverpool iyo Chelsea samayn karin.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa si cad saxaafada ugu sheegay sida uu u jecelyahay in Ramsey uu kooxda sii joogo walow uu markasta ka gaabsado waxkasta oo ku saabsan arrrimaha qandaraaska xiddigan.