Tani Ma Tahay Maaliyada Ay Barcelona Ku Ciyaari Doonto Xilli Ciyaareedka 2019-2020, Sawir Lasoo Dusiyay Oo Wax Badan Muujiyay.

Maaliyada xilli ciyaareeda dambe ee kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid haatanba gacanta lagu dhigay muuqaalkeeda guud iyo sida ay u ekaan doonto, Sawiro lasoo dusiyay oo muujinaya maaliyad Barca ah ayaa qabsaday barta Twitter-ka.

Marka loo eego labada maaliyadood ee maaliyada ay Barca ku ciyaari doonto marka ay joogto gurigeeda iyo marka ay marti tahayba, Kooxda ree Catalonia ayaa dooratay midabka ay caanka ku tahay markay mininkeeda joogto ee buluuga iyo casaanka oo u habaysan nashqada dhibcaha waaweyn.

Alleged Barcelona kits show that the club have moved away from their traditional theme. TWITTER/BENC

Maaliyada la helay ayaa sidoo kale ah mid ay Barca ku ciyaari doonto midabka huruuda ah ee diilinta buluuga iyo casaanka ahi dhexda ka marayso, Waa maaliyada marka ay martida tahaye.

Maaliyada midabka jaalaha ah leh ayaa ah mid wax badan laga soo min guuriyay maaliyadihii ay Blaugrana ku ciyaari jirtay inta badan sanadihii 1970 ilaa 1979.

Halyeeyo uu kamid yahay Johan Cruyff ayaa caan ku ahaa xidhashada maaliyad ku dhaw midan wakhtigiisii dahabiga ahaa ee kooxda waana sababta ay jamaahiir badani u jeclaysan doonaan inay mar kale kooxdoodu xidhato.