Tababarihii Hore Ee Xulka Brazil Felipe Scolari Oo Aaminsan In Xidiga Kooxda Real Madrid Casemiro Uu Kaga Muhiimsan Yahay Neymar Jr Shaxda seleção.

Tababarihii hore ee xulka Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa xaqiijiyay, inkastoo ay jiraan xidigigo muhiim ah ee dhanka weerar xulka seleção, hadana wuxuu u arkaa aragtidiisa in xidiga khadka dhexe ee Casemiro kan ugu muhiimsan ee xulka qaranka Brazil.

Waxaa xusid mudan in Felipe Scolari uu ahaa macalinkii ku hogaamiyay xulka qaranka Brazil sanadii 2002 in ay ku guuleystaan koobkii aduunka, sidoo kale wuxuu leelinayay koobkii aduunka ee sanadii 2014-kii lagu marti galiyay dalka Brazil, kahor inta aysan koobka ku macsalaameenin natiijo 7-1 ay kala kulmeen xulka Germany.

Hadaba Felipe Scolari ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay: “Waxaan u maleynayaa in ciyaaryahanka kaliya ee isbadalka ka sameyn karo Brazil inuu yahay xidiga Real Madrid Casemiro, wuxuu sameenayaa dheeli tirnaanta qaab ciyaareedka xulka, taasoo u ogolaaneysa xidigaha Marcelo, Neymar iyo ciyaartoyda kale inay xoriyad dheeraad ah helaan”.

Felipe Scolari ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Cristiano Ronaldo, Messi iyo Neymar waa ciyaartoy cajiib ah laakiin dhamaantood waa inay ku jiraan koox si cad u muuqata, koobka aduunka waa mid ku xidhan sida ay tahay wada shqeynta ciyaartoyda, Cristiano wuxuu qeyb ka yahay xulka qaranka Portugal oo si fiican u shaqeenaya imaatinta Fernando Santos, waana kooxda heysata horyaalka Yurub”.

Macalnkii hore xulka qaranka Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay sida uu arko rajada xulka qaranka Portugal ee koobka aduunka wuxuuna yiri: “Waxaan qabaa in xulka Portugal uu kasoo gudbi doono heerka group-yada, laakiin marxalada isreeb reebka arimahaa ayaa sii adkaan doona”

Si kastaba xulka qaranka Brazil ayaa ku jira Group E ay ku wehliyaan xulalka Switzerland, Costa Rica iyo Serbia, waxayna kulankooda ugu horeeya ee koobka aduunka 2018 maalinta barita ee khamiista ka bilaabmi doona Russia ay la ciyaari doonaan dhigooda Switzerland 17-ka bishan June.