Tababare Vincent Kompany Oo Si Aan La Rumaysan Karin Ku Bilwaday Waayihiisa Anderlecht.

Kabtankii hore ee kooxda Manchester City ee Vincent Kompany oo ciyaartoy iyo tababare u noqday kooxdii uu ka soo qalin jabiyay ee Anderlecht ayaa qaab waali ah ku bilawday waayihiisa tababaranimo iyo ciyaartoy ee dalkiisa Belgium.

Vincent Kompany ayaa dhamaadkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu ku dhawaaqay in uu soo gaba gabeeyay 10 sanadood oo uu dagaal kaga soo jiray Etihad Stadium halkaas oo uu afar koob oo Premier league ah ugu soo guulaystay.

Vincent Kompany ayaa door layaableh ku soo yeeshay Man City wuxuuna ka mid yahay ciyaartoydii ugu guulaha badnaa ee Sky Blues ka soo ciyaaray laakiin waxa uu sheegay in uu wax badan ka bartay Guardiola taas oo ka tababare ahaan ka caawin karta.

Laakiin Vincent Kompany oo kulankiisii ugu horeeyay ee Anderlecht la bilawday ayaa arkay wixii ugu fiicnaa ee uu ku bilaaban karayay kadib markii ay kooxdiisa cusub ee Anderlecht ay guul ku gaadhay 6-0.

Anderlecht ayaa bilaabtay kulamada xili ciyaareedka cusub ka horeeya waxayna xasuuq 6-0 ah u gaysatay kooxda KSV Oudenaarde iyada oo Kompany uu qaabkii ugu fiicnayd ugu bilawday waayihiisa tababaranimo ee kooxdiisa cusub.

Kompany ayaa dhawaan kooxda da’yarta Anderlect waxa uu u magacaabay Craig Bellamy kaas oo isna qayb ka ah isbadalka laga sameeyay kooxda reer Belgium ee Anderlecht.

Goolasha daadka ah ee ay kooxda Kompany ku xaaqday KSV Oudenaarde ayaa sidan loo kala dhaliyay: ‘6’ Isaac Kiese Thelin, 21’ Sidney Sam, 37’ Isaac Kiese Thelin, 52’ Halim Timassi, 54’ Adrien Trebel & 82’ Anouar Ait El Hadj.

Kompany ayaa isku diyaarinaya xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 isaga oo Anderlecht ugu shaqaynaya tababare iyo ciyaartoy ahaan labadaba wuxuuna doonayaa in uu saamayntiisa kubbada cagta sii wato.