Tababare Thomas Tuchel Oo Neymar Ka Quustay, Philippe Coutinho Oo Uu Iska Diiday In Heshiiska Neymar Lagu Daro & Ciyaartoyga Uu Barca Ka Doonayo Oo La Ogaaday.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa u muuqda mid gabi ahaanba ka tanaasulay isku day kasta oo uu kooxdiisa hal xilli ciyaareed oo kale ugu sii haysan lahaa Neymar JR oo bixitaan lala xidhiidhinayo.

Waxa marag ma doonto ah in 27 jirka ree Brazil uu qaadayo talaabooyin badan oo caddaynaha sida uusan wax baahi ah ugu qabin inuu Paris safkeeda kusii jiro xilli ciyaareed kale waxaana uu baaqyo ka helayaa horyaalka La Liga ee Spain.

Neymar ayaa inta ugu badan lala xidhiidhinayaa ku laabashada kooxdiisii hore ee Barcelona waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn Real Madrid oo doonaysa inay saxeexiisa si layaab leh ugaga guuleysato cadawgeeda ugu weyn.

Haddaba, Sida haatan laga helayo warar ka imanaya dalka France gaar ahaan wargeyska le10sport, Tababaraha PSG ee Thomas Tuchel ayaa dalbaday in heshiiska uu Neymar ugu wareegi karo Barcelona lagu soo daro xiddiga kooxdaas ee Ousmane Dembele.

In Barcelona ay xilli horeba xagaagan bixisay lacago badan oo ay lasoo saxeexatay Antoine Greizmann iyo Frankie De Jong ayaa ku adkaynaysa inay lacag toos ah ku bixiso saxeexiisa waana sababta ay u dalbanayso inay lacag iyo ciyaartoy isku darto.

Philippe Coutinho ayaa lala xidhiidhinayaa PSG waxaana la sheegayaa inuu noqon doono shaqsiga heshiiska Neymar lagu daro balse tababare Tuchel ayaa doonaya Dembele oo uu shaqsiyad fahmayo horena ugu soo maamulay kooxda Borussaa Dortmund.

Si kastaba ha ahaatee, In PSG ay joojisay iibinta maaliyadaha Neymar JR iyo in Camp Nou lagu sawiray shaqsigii sababta u ahaa heshiiskii uu ugu biiray PSG ayaa ah caddaymo wax badan muujinaya oo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la helay.