Tababare Solskjaer Iyo Madaxda Sarre Ee Man United Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Qaatay Haddii Ay Bixinayaan 90-ka Milyan Ee Leicester City Ay Dul Dhigtay Harry Maguire.

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka qaadatay haddii ay bixinayso lacagta heerkeedu aadka u sarreeyo ee ay Leicester City ku qiimaysay daafaca ay ka doonaysay ee Harry Maguire.

Manchester ayaa horeba bishan bilawgeedii dalab deg deg ah miiska u saartay Leicester oo ay ula tageen lacag 70 Milyan ah oo ay ku doonayaan Maguire balse Foxes ayaan ka laba-labayn inay iska diido dalabkaas.

Waxa xusid mudan in guddoomiye ku xigeenka kooxdaas ee Ed Woodward uu xagaagii hore Jose Mourinho kahor istaagay inay lasoo wareegaan Maguire oo markaas ku qiimaysnaa 60 Milyan balse haatan ayay dib usoo cusboonaysiiyeen xiisahiisa.

Red Devils ayaa xilli ciyaareedkii hore soo muujiyay nugayl daafac waxaana ay qaabileen 54 gool kulamada horyaalka Premier League iyadoo Solskjaer uu ku fashilmay inuu kaalmaha afarta sarre gaadhsiiyo.

Tababaraha ree Norway ayaa haatan liiska xiddigaha uu suuqa ka doonayo ku darsaday daafac dhexe walow uu haysto shanta daafac dhexe oo kala ah Victor Lindelof, Marcos Rojo, Eric Bailly, Phil Jones iyo Chris Smalling.

Si kastaba, Wargeyska Evening Standard ayaa haatan sheegaya in United ay go’aan ku gaadhay inaysan maraba bixinin lacagta 90-ka Milyan ah ee ay Leicester ku qiimaysay 26 jirkeeda.

Kooxda Rodgers ayaa doonaysa inay Maguire ku hesho lacag rekoodh aduun ah oo ay dhaafiso midii 75-ka Milyan ahayd ee ay Liverpool kula soo wareegtay Virgil Van Dijk.

Manchester ayaa haatan la filayaa inay iskaga baxdo tartanka loogu jiro daafacan oo ay diirada saarto bar-tilmaameedyo kale oo ay booskaas kusoo buuxin karto.

Ugu dambayn, Daafaca ugu macquulsan ee ay haatan Old Trafford kasoo dajin karaan madaxda suuqa ee Manchester ah Toby Aldweireld  oo Tottenham ka tirsan isla markaana kaliya 25 Milyan lagu heli karo.