Tababare Quique Setién Oo Isbadal Shaxdiisa Ku Samaynaya, Xidiga Fursadu U Soo Baxday Iyo Kuwa Kaydka Loo Celinayo.

Waxaa la filayaa in dhawaan dib loo bilaabi doono kulamadii baaqiga ka ahaa horyaalka La Liga waxaana la sheegayaa in tababraha kooxda Barca ee Quique Setién uu dib uga fikiri doono shaxda kooxdii uu ku soo shaqeeyay.

Barcelona ayaa laba dhibcood ku haysa hogaanka horyaalka La Liga laakiin waxay dagaal wayn kala kulmayaan kooxda Zidane ee Real Madrid waxayna taasi Quique Setién ku qasbaysaa in uu haddaba isbadal ka sii fikiro.

Image

Quique Setién ayaa intii uu Barcelona joogay waxa uu la soo kulmay eedayn kadib markii uu wax badan ka badali kari waayay kooxdii uu ka badalay Ernesto Valverde oo shaqada laga caydhiyay.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in tababare Quique Setién uu hadda ka fikirayo in uu isbadal ku sameeyo 11 kii xidig ee inta ugu badan shaxdiisa ku soo baxay ka hor intii aanla galin go’doonkii fayraska.

Quique Setién ayaa la sheegay in uu shaxdiisa dib ugu soo celin doono saddexda xidig ee kala ah Clement Lenglet, Arthur Melo iyo Sergi Roberto kuwaas oo door muhiim ah laga siin doono shaxda 11 ka xidig ee Barca ku shaqayn doonto marka la soo laabto.

Waxa kale oo shaxda Quique Setién ku soo laaban doona Luis Suarez oo muddo garoomada ka maqnaa isla markaana waqtigii hore la filayay in aanu markale xili ciyaareedkan safanayn balse go’doonkii la galay ayaa fursad u abuuray.

Soo laabashada Luis Suarez ee shaxda Quique Setién waxay kaydka u celinaysaa xidigii ay Barca booskii Ousmane Dembele ula soo saxiixatay ee Martin Braithwaite kaas oo sidoo kale mustaqbalkiisa dheer ee Barca shaki badan la galinayo.

Markii uu Dembele qaliinka maray ee ay cadaatay inuu xili ciyaareedka inta ka hadhsanayd seegayay waxaa Barca suuqa oo xidhan fursad loo siiyay in ay la soo saxiixato Martin Braithwaite laakiin hadda soo laabashada Suarez ayaa xaaladiisa sii xumaynaysa.

Waxa kale oo uu Quique Setién kaydka ku hayn doonaa Ivan Rakitic, Arturo Vidal iyo waliba da’yarka uu saamayntiisii kooxda kowaad dilay ee Ansu Fati.

Xidigaha kale ee Lionel Messi, Gerard Pique, Sergio Busquets, Frenki De Jong, Jordi Alba, Nelson Semedo iyo goolhaye Ter Stegen ayaa dhamaantood la filayaa in ay booskooda shaxda Barca sii ilaashan doonaan.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook