Tababare Pep Guardiola Oo Ugu Dambayn Jawaab Cadaan Ah Ka Bixiyay Wararka Xanta Ah Ee Sheegaya Inuu Dhawr Jeer Isku Dayay Inuu Barcelona Kalasoo Wareego Lionel Messi!!.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ugu dambayn ka jawaab celiyay wararka xanta ah ee lagu sheego inuu tiraba dhawr jeer isku dayay saxeexa Lionel Messi tan iyo wakhtigii uu ka tagay Barcelona.

Messi iyo Guardiola ayaa soo wadaqaatay afar sano oo cajiib ah intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2012 waxaana ay soo wadaageen koobab badan oo ay ugu horreeyaan saddex horyaal oo La Liga ah iyo laba UEFA Champions League.

Pep ayaa sheegay inuusan waligiis isku dayin saxeexa Leon mudada uu joogay Bayern Munich iyo Man City, Tababaraha ree Spain ayaa sababta uu iskugu dayi waayay saxeexa xiddigan ku sifeeyay maadaama oo uu yahay shaqsi og muhiimada uu u leeyahay Barcelona.

“Markii aan ka tagay Barcelona ee aan tagay Bayern Munich iyo Manchester City, Waligay ma weydiisan Messi inuu halkan yimaado” Ayuu yidhi

“Waligay uma tagin labada kooxood (Bayern iyo City) oo ma aanan odhan waxaan doonayaa ciyaartoygan, Waxaan ogahay sida uu muhiimka ugu yahay Barcelona”

“Waligay ma qaadin talaabada ugu horreysa ee lagu yidhaa waxaan doonayaa ciyaartoygan, Ma samayn abid, Waxaan kun jeer sheegay inaan doonayo in isagu joogo Barcelona, Sidaas ayaan doonayaa”