Tababare Ole Solskjaer Oo Haatanba Bilaabay Qorshaha Kulanka PSG, Daafaciisa Eric Bailly Oo Uu Kulan La Qaatay & Waxa Uu Ka Damacsan Yahay Ciyaartaas Oo Uu U Sheegay.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda mid haatanba bilaabay dajinta qorshaha kulanka Champions League ee ay la yeelan doonaan Paris Saint-Germain isaga oo la kulmay daafaca kooxdiisa ee Eric Bailly.

Daafacan ayaa ku dhibtooday inuu kusoo bilawdo kulamada tan iyo imaatinka Solskjaer isaga oo hal kulan oo Premier League ah lagu soo bilaabay kaddib kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Bournemouth.

Laakiin wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Solskjaer uu xiddigan la kulmay isaga oo u sheegay inuu ku jiro qorshaha uu ku dagaal galayo guud ahaan kulamada cidhiidhiga ah ee bishan Febraury ay ciyaarayaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Isaga Ayaa Ka Fiican Neymar!! - Barcelona Oo HAL Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Jooga Uga Dhaaratay PSG Xilli Ay U Arkaan Inuu Xataa Ka Fiican Yahay Neymar!!.

Solskjaer ayaa lasoo sheegayaa inuu haatan ku fikirayo inuu Bailly ka garab ciyaarsiiyo Victor Lindelof kulanka Champions League ee Paris Saint-Germain.

Red Devils ayaa Paris soo dhawayn doona lugta hore ee wareega 16-ka UCL waxaana uu tababaraha ree Norway qabaa in Bailly iyo Lindelof ay yihiin lamaanaha daafaca dhexe ee ugu fiican ee joojin kara Edinson Cavani iyo Kylian Mbappe.

Kulankaas ayaa ah mid muhiimad kulamada kale ka weyn uleh tababare Ole maadaama oo uu yahay kulanka lagu xidhay shaqadiisa sida ay sheegayaan saxaafada badhkood..

Ugu dambayn, Solskjaer aya goob joog u ahaa PSG oo la kulmaysa guuldaradeedii ugu horreysay xilli ciyaareedka oo ay dhawaan kala kulmeen Lyon waxaana uu kulankaas fadhiyay qaybaha sarre ee garoonka Groupama Stadium oo ciyaartu ka dhacaysay.