Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Walwalsan Xaalada Caafimaad Ee Shan Ciyaartoy Oo Kooxdiisa Ah Ka Hor Kulanka Adag Ee Leicester City.

Manchester United ayaa sabtida Old Trafford ku soo dhawayn doonta kooxda qaab ciyaareedka fiican xili ciyaareedkan ku soo jirtay ee Leicester City waana kulan ay Red Devils guul ku qasban tahay haddii ay doonayaan in aanu culaysku ku sii laba jibaarmin Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin ka hor kulanka sabtida ee ay Man United la ciyaari doonto kooxda Leicester City waxa uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ka walwalsan yahay xaalada caafimaad ee shan ciyaartoy oo kooxdiisa muhiim u ah.

Manchester United ayaan wax guul ah soo gaadhin saddexdii kulan ee Premier league ugu danbeeyay waxayna taasi keentay in Ole Gunnar Solskjaer uu haddaba cadaadis ka dareemayo jamaahiirta kooxdiisa Red Devils.

Laakiin waxa uu hadda Ole Gunnar Solskjaer sugayaa in uu war buuxa ka helo xaalada caafimaad ee shan ciyaartoy oo shaxdiisa muhiim ka ah kuwaas oo shaki la galinayo taam ahaanshooda kulanka Old Trafford.

Waxaa Man United ka walwalinaya xaalada caafimaad ee labada difaac ee Luke Shaw iyo Aaron Wan-Bissaka si la mid ah labada khadka dhexe ee Jesse Lingard iyo Paul Pogba oo lagu daray xidiga weerarka ku soo bilaabanayay ee Anthony Martial.

Luka Shaw waxa uu dhaawac muruqa ah ku seegay kulamadii caalamiga ah ee xulkiisa England ee Bulgaria iyo Kosovo kadib dhaawac ka soo gaadhay kulankii Crystal Palace.

Aaron Wan-Bissaka iyo Jesse Lingard ayaa laga saaray liiska xulka qarankooda England kadib dhaawac iyo xanuun soo gaadhay waxayna seegeen kulamadii caalamiga ahaa taas oo walwal ku keentay in Solskjaer haddii ay taam u noqon karaan kulanka Foxes.

Xidiga reer France ee Pual Pogba iyo Martial ayaa kulamadii caalamiga ahaa ku seegay dhaawacyo soo gaadhay iyada oo Martial ay jugi ku soo gaadhay guuldaradii Crystal Palace. Pual Pogba ayuu dhaawac canqowga ahi ku soo gaadhay kulankii Southampton.

Laakiin hadda iyada oo kooxaha Premier League ay dib u helayaan ciyaartoyda kooxahooda ee ka soo laabanaya kulamadii caalamiga ahaa, waxa uu Solskjaer sugi doonaa xaalada shantan ciyaaroty ee aan soo sheegnay xaaladooda.