Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Haatanba Bilaabay Ka Fikirka Qorshaha Suuqa Xagaaga & Xiddig Ay 25% Mulkiyadiisa Leedahay Man United Oo Uu Doonayo.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa horay ka bilaabay ka fikirka suuqa kala iibsiga ee xagaaga kaddib markii dhawaan si rasmi ah loogu xaqiijiyay inuu yahay tababaraha rasmiga ah ee kooxda.

Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu qorshayaashiisa suuqa ku darsan karo xiddiga kooxda Crystal Palace ee Wilfred Zaha kaas oo hore ugu soo ciyaaray Man United isla markaana ay tababaraha ree Norway hore ugu soo wada shaqeeyeen kooxda Cardiff City.

Dhinaca kale Red Devils ayaa leh 25% mulkiyada xiddigan haatan ka tirsan Eagles waana qoddob kale oo marka laga yimaado aqoonta ka dhaxaysa isaga iyo tababaraha fududayn kara heshiis uu ugu soo laabto Old Trafford xagaagan.

United ayaa haatanba ka fikiraysa xilli ciyaareedka dambe kaddib markii Ole loo xaqiijiyay shaqada rasmiga ah ee kooxda waxaana qorshayaashooda qayb ka noqon kara Zaha.

Waxa laga warsugi doonaa haddiiba Solskjaer uu ku adag yahay warkan ay saxaafadu sheegaysoo oo uu dalab u gudbin doono maamulka kooxda si ay xiddigaas ugu keenaan.

In Wilfred Zaha kusoo laabto Manchester ayaa ah mid meesha ka saari doonta xiddigo uu ugu horreeyo Alexis Sanchez oo qaab ciyaareed aan horumar lahayn la yimid kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray dhinaca Arsenal January 2018.

Suuqa ayaa la filayaa in Solskjaer gacanta loo gelin doono lacago ku filan si uu kooxda usoo hubeeyo markale oo ay ugu tartamaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe.