Man United Oo 7 Ciyaartoy Oo Premier league Ka Ciyaara U Calaamadsaday Isbadalka Ay Old Trafford Ka Doonayaan.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dhex jira qorshaha dib u dhiska kooxdiisa waxaana jira ilaa todoba ciyaartoy oo Premier league ka hawl gala oo uu u calaamadsaday dib u habaynta uu United ka samaynayo.

Maamulka Manchester United iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in ay xili ciyaareedka cusub iskugu diyaariyaan saxiixo muhiim ah iyada oo ay kooxda ka baxayaan dhawr ciyaartoy oo ay tahay in booskooda la soo buuxiyo.

Warbaahinta ESPN ayaa lagu shaaciyay liiska  7 ciyartoy ee ay Manchester United ka doonayso kooxaha Premier league kuwaas oo ay suurtogal tahay in Ole Gunnar Solskjaer uu xili ciyaareedka cusub ku shaqayn karo.

Liiska todobada ciyaartoy ee Premier league ka tirsan ee ay Manchester United doonayso ayaa kala ah: Harry Maguire, James Maddison, Aaron Wan-Bissaka, Ryan Fraser, Declan Rice, Ryan Sessegnon iyo Sean Longstaff.

Ugu horayn waxay haddaba Manchester United isku diyaarinaysaa dalabkii labaad oo 50 milyan gini ku qiimaysan oo ay u dirayso kooxda Crystal Palace oo todobaadkan ka soo diiday dalab 40 milyan ahaa oo ay United ku doonaysay saxiixa difaaca midig ee Aaron Wan-Bissaka.

Solskjaer ayaa doonaya in Aaron Wan-Bissaka uu ka dhigto badalka tooska ah ee Antonio Valencia laakiin dalabka labaad ee Man United ayaa la filayaa in ay Crystal Palace aqbali doonto maadaama oo ay hore u dalbadeen ugu yaraan 50 milyan ama ka badan si ay u fasixi karaan Aaron Wan-Bissaka.

Man United waxay kooxda Leicester City kawada doonaysaa labada xidig ee kala ah difaaca dhexe ee Harry Maguire iyo xidiga khadka dhexe ee James Maddison inkasta oo ay Man City ku tartamayaan saxiixa Harry Maguire.

Man United ayaa waqtigii Mourinho ee xagaagii la soo dhaafay waxay ku fashilmeen saxiixa Harry Maguire laakiin hadda Leicester City ayaa xidiga reer England ku qiimaynaysa 90 milyan gini waana lacagta ay United ku qasbanaan karto si ay City ugu garaacdo saxiixa xidigan.

Waxa kale oo ay Man United doonaysaa saxiixa xidiga kooxda Newcaslte United ee Sean Longstaff oo 21 sano jir ah, si la mid ah Ryan Sessegnon oo heerka labaad ula dhacay Fulham oo 19 sano jir ah.

Laakiin sida warka ESPN lagu sheegay, Man United waxay sidoo kale doonaysaa saxiixa xidiga kooxda Bournemouth ee Ryan Fraser oo hore loola xidhiidhinayay kooxaha Arsenal iyo Liverpool.

Xidiga todobaad ee Premier league ka hawl gala ee ay Manchester United doonayso ayaa ah da’yarka kooxda West Ham iyo xulka England ee Declan Rice kaas oo isna qayb ka ah liiska bartilmaameedyada United.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaan ku koobnayn liiska 7 ciyaartoy ee Premier league ka ciyaara, waxaana liis dheer oo 10 ciyaartoy ka badan oo kooxaha Yurub ka ciyaara kuwaas oo wali lala xidhiidhinayo United.