Tababare Maxi Allegri Oo Markale Saadaaliyay Kooxda Hanan Doonta Champions League, Miyuu Ka Laabtay Fikradii Uu Hore Barcelona Ugu Saadaaliyay Guuleystayasha Sanadkan?

Tababaraha kooxda Juventus ee Maxi Allegri oo hore u saadaaliyay kooxda xilli ciyaareedkan ku guuleysan doonta tartanka UEFA Champions League ayaa markale saadaal dhiibtay kahor kulanka ay qaabili doonaan kooxda Valencia kulan ka tirsan isla tartankaas.

Bianconeri ayaan ku guuleysan Champions League tan iyo xilli ciyaareedkii 1995-96 balse waxa ay kulamada kama dambaysta ah soo gaadheen xilli ciyaareedyadii kala ahaa 2014-15 iyo 2016-17 markaas oo ay u dhibtoodeen sababta kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Haddaba, Maxi ayaa ugu horreynba sheegay inay kulamo xoogani uga hadheen horyaalka kahor dhammadka xilli ciyaareedkan balse dhinaca Champions League waxa uu markale carabka ku adkeeyay in Barcelona ay tahay kooxda ugu cad cad ee hanashada Champions League, Waana erayo xoojinaya hadalkii uu hore u yidhi.

Tababaraha ayaa yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya “Waxa wali jira kulamo badan oo ay tahay inaan ciyaarno Serie A, Waxaanan leenahay kulamo badan oo adag oo Serie A ah ilaa dhammadka sanadka oo aan wajihi doono Roma, Inter, Atalanta, Fiorentina iyo Sampdoria”

“Laakiin marka aad joogto Champions League waxaan qaadnaa hal talaabo markiiba, Waxaan doonaynaa inaan usoo baxno wareega 16-ka iyo oo aan kusoo baxno kaalinta koowaad”

“Barcelona ayaa ugu cad cad inay ku guuleysato Champions League aniga fikradeyda, Kaddib waxa jira kooxo aan kamid nahay oo leh hammiga ah inaan ku guuleysano, Waxaan leenahay rabitaankaas sanad kasta”

“Sanadkii hore waxaan idhi Real Madrid, Sanadkan waxaan leeyahay Barcelona, Waxaan rajaynayaa inaan mid qaldan noqdo sanadkan.