Tababare Maurizio Sarri Oo Hormood Ka Noqonaya In John Terry Uu Chelsea Ugu Soo Laabto Tababare Ahaan Iyo Fikradiisa Oo Uu Ka Hadlay.

Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa u muuqday mid albaabada u furay in halyeeyga kooxdaas ee John Terry uu kooxda ugu soo laabto ka tababare ahaan, Hadalkan ayaa ah mid si hurinaya rabitaanka John Terry ee ah inuu dhawaan tababare noqdo.

Terry way u furantahay inuu Bridge ugu soo laabto tababare ahaan sida uu daaha ka qaaday Sarri, 37 Jirkan ayaa xilli ciyaareedkii hore ku biiray kooxda Aston Villa xilli uu diiday fursad uu ugu biirayay Spartak Moscow toddobaadkan gudihiisa.

Maurizio ayaa sheegay inuu Terry la hadlay toddobaadkii hore oo uu xiddigani u sheegay inuu hal sano oo kale sii wado doono ciyaarista kubadda cagta, balse ay halkani hoygiisii tahay oo ay qofkasta muhiim u noqon doonto joogistiisu.

59 Jirkan ayaana hadalkiisa ku bilaabay “Markii ugu dambaysay een la hadlay isaga waxa uu ii sheegay inuu doonayo inuu ciyaaro hal xilli ciyaareed oo kale, Laakiin ma ogi xaaladu sida ay tahay hada waxaan ka hadlayaa hal toddobaad kahor, Chelsea waa gurigiisa dabcan”

“Terry waxa uu aniga tixraac iiga noqon lahaa qofkasta oo halkan jooga, Halkani waa gurigiisa sidaa darteed aad ayuu muhiim ugu noqon doonaa qofkasta”

Ugu dambayn, Terry ayaa Blues usoo cyaaray 713 Kulan tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay sanadkii 1998 waxaana uu dhawaan sheegay inuu doonayo inuu maalin uun tababare u noqdo kooxdiisii hore.