Tababare Mauricio Pochettino Oo Si Toos Ah Loo Weydiiyay Haddii Uu Harry Kane Kusoo Bilaabi Doono Final-ka CL Ee Caawa & Jawaabta Uu Bixiyay.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa bixiyay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya Final-ka tartanka UEFA Champions League ee ay caawa la ciyaari doonaan Tottenham isaga oo halkaas kaga faalooday qoddobo muhiim ah.

Tottenham ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda ciyaaraysa kulanka kama dambaysta ah ee tartanka ugu xiisaha badan Yurub si lamid ah tababare Pochettino balse waxay diyaar u yihiin inay markooda ugu horreysaba guul ku furtaan.

Dhinaca kale kooxda kasoo horjeeda ee Liverpool ayaa ah mid duq ku ah guud ahaan tartamada Yurub gaar ahaan Final-ka Champions League oo ay markoodii sagaalaad abid iska soo xaadiriyeen koobkoodii lixaadna u socdaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horaysay Qirtay Tirada Lacagtii Uu Ku Aamusiiyay Naagtii Kufsiga Ku Soo Eedaysay.

Wer-werka ugu weyn ee caawa kulanka ka jira ayaa ah midka jamaahiirta Tottenham ka haysta fursaa kusoo bilaabasho ee kabtanka kooxdeeda ee Harry Kane kaas oo haatan xaalad dhaawac kasoo kabasho ku jira.

Hore ayuu Kane maalmo kahor u sheegay inuu Final-ka ka qayb qaadashadiisa si buuxda diyaar ugu yahay sidoo kale tababare Pochettino ayaa niyad samaan ka muujiyay fursada Harry ee kulankan.

Si kastaba, Pochettino ayaa la weydiiyay haddii weeraryahanka kooxdiisa uu kusoo bilaabi doono kulankan waxaana uu tababarahani diiday inuu war dhammaystiran bixiyo isaga oo sheegay in xataa ciyaartoydu aysan ogayn oo uu isagu go’aan gaadhi doono.

Pochettino ayaa yidhi “Xataa iyagu (Ciyaartoyda) ma oga, Tababaray ayaanu leenahay haatan kaddib aniga ayaan go’aansan doona, Laakiin kaliya waxay ku ciyaari karaan 11, Dhammaantood muhiim ayay ii yihiin aniga, Kuwa ciyaara iyo kuwa banaanka ka joogaba”

SIDOO KALE AKHRISO:  ISKU-DHAF: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kooxaha Liverpool & Arsenal Kahor Kulankooda Berrito - Min Immisa Xiddig Ayaa Labada Kooxood Ugu Soo Kala Baxay?

“Laga yaabaa in midka keydka ku jira uu yahay ka ugu muhiimsan waxaana uu ku dambeeyaa waxkasta oo uu bedelo, Halkan ayaanu nimid waxaananu diyaar u nahay inaanu tartano oo aanu raaxaysano sidoo kale, Waxaanu isku dayi doonaa inaanu guuleysano sababtoo ah markaa Final gaadho waxaad kaliya ka fikiraysaa guul”