Luis Enrique Oo Si Adag U Difaacay Ciyaartoyda Lacagta Badan U Doonayaya Horyaalka China Iyo Enrique Oo Dhiiro Galin Wayn Siiyay Xidigaha Ku Hamiyaya Horyaalka China.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa si cad uga jawaabay waxa uu ka aaminsan yahay lacagta waalida ah ee ka soo qulqulaysa horayalka Chinese Super Leaque iyo ciyaartoyda lacagta badan ugu biiray kooxaha ree China. Luis Enrique oo shirkiisii jaraa’id ee ka horeeyay kulanka Real Betis wax lagaga waydiiyay aragtidiisa ciyaartoyda mushaarka qaaliga ah ugu biiraya horyaalka China ayaa si cad u difaacay xidigaha ay lacagtu jiidatay wuxuuna si cajiib ah ugu jawaabay saxaafada su’aalahan waydiisay.

Luis Ernque ayaa wariyihii su’aashan waydiiyay iyo saxaafadaba xusuusiyay in ay iyaguba shaqooyinka isku badashaan oo ay raadsadaan shaqooyinka lacagta badan leh isla markaana ayna ka hadlin wuxuuna wax fantastik ah ku tilmaamay in ciyaartoydu ay China ku biiraan si ay lacag badan u sameeyaan taas oo uu tilmaamay in ay tahay wax iska caadi ah.

Luis Enrique oo ka jawaabaya ciyaartoyda horyaalka China ku sii qulqulaya ee lacagta badan ka helaya ayaa yidhi: ” Anigu waxaan filayaa in ay tahay wax fantastik ah in ciyaartoy uu go’aansado in uu China u tago si uu lacag badan u soo helo. Shaqo kasta oo ay ku jirto saxaafadu, waxay dadku badashaan shaqada si ay lacag badan u helaan waxna lagama sheego. Xaqiiqdii, saaxiibadaadu way kuugu hambalyaynayaan adiga. waa wax wayn. Laakiin marka aad ciyaartoy tahay? waxaad tahay khiyaanoole,lacagta si sharci daro ah ku hele…. waa layaab!.”.

Luis Enrique ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Anigu waxaan filayaa in ay tahay wax fantastik ah waanan u sacabinayaa kuwa taas sameeyay laakiin waa si xun qaabka looga arko kubbada cagta”. Lius Enrique ayuu hadalkiisani dhiiro galin wayn u noqonayaa ciyaartoy badan oo ku hamiyaysa in ay China u dhaqaaqaan halka haddaba xidigo badan oo magac wayn ku leh kubbada cagtu ay China ka ciyaarayaan.

Comments

comments