Tababare Lala Xidhiidhinayay Xilka Tababarenimo Ee Arsenal Oo Magaalada London Soo Gaadhay.

Advertisements

Kooxda ree London ee Arsenal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku jirta xaalad tababare raadin ah kaddib markii ay shaqada ka raacdeeyeen Unai Emery oo ku dhibtooday xilka tababarenimo ee Emirates Stadium gaar ahaan xilli ciyaareedkan.

Tan iyo bixitaankii Unai, Waxa booska tababarenimo si kumeel gaadh ah usii buuxiyay ku xigeenkiisii ahna halyeeyga kooxda ee Freddie Ljunberg kaas oo qudhiisu aan wax natiijo ah oo lagu qanco keenin laba kulan oo uu hoggaamiyay.

Freddie ayaa Gunners layliyay labadii kulan ee Norwich iyo Brighton balse waxa ay bar-bardhac soo galeen kulankii hore ee Norwich halka midkii labaad ee Brighton ay guularro 1-2 ah kala kulmeen kooxdaas.

Si kastaba, Waxa haatan magaalada London usoo safray macalinkii hore ee kooxda Valencia ee Marcelino kaas oo dhawaanahanba si weyn loola xidhiidhinayay Arsenal.

Mid kamida arrimaha Arsenal u sahlaya saxeexa Marcelino ayaa ah inuusan xilli ciyaareedkan koox kale oo horyaalka Spanish-ka ah maamuli karin kaddib ka bixitaankiisii Valencia sidaasina ay ahayd heshiis uu la gaadhay kooxdaas.

Advertisements

Dhinaca kale Gunners ayaan ahayn kooxda kaliya ee lala xidhiidhinayo saxeexa tababarahan balse waxa sidoo kale dhinaceeda ka doonaysa Valencia oo qudheedu dhawaan dirtay Marco Silva.

Natiijada sawirka Marcelino valencia

 

Advertisements