Tababare Jurgen Klopp Oo War Cusub Ka Soo Saaray Xaaladaha Dhaawac Ee James Milner Iyo Emre Can Xilli Uu Ka Farxiyay Jamaahiirta Kooxdiisa Liverpool.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa war cusub kasoo saaraya xaaladaha dhaawac ee xiddigihiisa khadka dhexe ee Emre Can & James Milner kahor kulanka ay 26-ka bishan magaalada Kiev kula balansanyihiin kooxda Real Madrid kulanka kama dambeysta UEFA Champions League.

Labadda ciyaartoy ayaa qayb ka ahaa safarkii Liverpool ay ugu baxday dalka Spain gaar ahaan magaalada Marbella oo ay tababara ku qaadanayaan, Milner ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ciyaartay Premier League halka uu Emre la dhibtoonayay dhaawac dhabarka ah mudooyinkii ugu dambeeyay.

Laakiin tababare Klopp ayaa ku niyadsan in ciyaartoydiisu ay si dhakhso ah u soo laaban doonan isagoo si gaar ah u sheegay in James Milner ay suurogal tahay inuu soo laabto maalinta sabtida ee bilawga usbuuca inagu soo aadan,

Haddaba Jurgen oo ka hadlaya xaaladaha Emre Can iyo Milner ayaa yidhi “James (Milner) wuu ku jiraa kooxda wuxuuna tababarka ku soo laaban doonaa dhawaan, Waxaan filayaa sabtida, Waynu eegi doona, Amaba waxa suurogal ah inuu jimcaha soo laabto”

“Emre Can halkan ayuu ku sugan yahay, Taasi way fiicantahay, Inaan isaga ku haysano kooxda markasta way fiican tahay, Wiil cajiib ah, Waanu eegi doonaa waxa aanu isaga u samayn karno, Waxa wali jira shaqo yar oo ay tahay in la qabto laakiin way wanaagsantahay inaan halkan ku haysano isaga”

Warkan ayaa farxad galinaya jamaahiirta Liverpool oo beryahanba u dhag taagayay xaaladaha xiddigahooda khadka dhexe oo muhiim u ah kulanka ay Real Madrid ku wajihi doonaan magaalada Kiev.